Shirguddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta Xilka La Wareegay

0
1884

Hargeysa (Hargeisa Press) – Shirguddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ee dhawaan loo doortay golahaasi, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah xilka ugala wareegeen shirguddoonkii hore.

Munaasibaddan ay xilka kula kala wareegayeen shirguddoonka cusub iyo shirguddoonkii hore oo ka qabsoontay xarunta golahaasi, ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo laamaha kala duwan ee dowladda, Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka, Urarrada aan dowliga ahayn, iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxa munaasibadda hadal ka jeediyay Guddoomiyihii hore ee golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaana ay ugu baaqeen shirguddoonka cusub inay u diyaar garoobaan hawsha culus ee ay qabteen ayna isku taxaluujiyaan sidii golaha ay iskugu wadi lahaayeen islamarkaana ay uga shaqayn lahaayeen danta guud ee qaranka.

Sidoo kale, shirguddoonka xilka bannaynaya, ayaa faray golaha cusub in ay ansixiyaan sharciyo ay sheegeen inuu ka tegay golihii hore, kuwaasoo ay tilmaameen inuu ahmiyad weyn u leeyahay qaranka, iyagoo ku booriyay shirguddoonka cusub iyo golahaba inay halkaasi ay kasii ambaqaadaan sharciga caasimadda iyo ka saxaafadda Somaliland oo qabyo ah.

Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga muxaafidka ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, ayaa kula dardaarmay shirguddoonka cusub iyo golahaba inay ka shaqeeyaan midnimada golaha iyo sidii ay u sii ambaqaadi lahaayeen sharciyadii uu ka tegay golihi iyaga ka horreeyay.

Guddoomiyayaashu waxay intaas ku dareen inay u duceynayaan shirguddoonka cusub in ilaahay ku asturo waajibaadka hor yaalla.

Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Xidhiidhka goleyaasha iyo dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ku booriyay Shirguddoonka iyo Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ilaalinta nabadda iyo qarannimada Somaliland, ansixinta xeerarka iyo sharciga umadda iyo korjoogtaynta hay’addaha dawladda ay ka soo baxaan isla markaana ay u gutaan sida uu dastuurku tilmaamay.

Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Xildhibaanno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Xidhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa iyaguna dhankooda sheegay in golaha ay kala shaqayn doonaan waxyaabaha ay uga baahdaan islamarkaana ay siin doonaan wixii talo iyo tusaale ah ee ay dheeryihiin, iyagoo dhanka kale ugu baaqay in Xildhibaannada cusub ay ku shaqeeyaan golinimo iyo wixii u dan ah qarannimada Somaliland.

Guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in 82-ka Xildhibaan ee golaha Wakiillada uu oday u yahay oo uu isku wadi doono, islamarkaana ay wada shaqayn buuxda yeelan doonaan xukuumadda Somaliland.

Guddoomiyaha Cabdirisaaq Khaliif, waxaa uu intaas raaciyay inuu ka war hayn doono duruufaha iyo xaaladda ku gadaaman xildhibaannada golaha Wakiillada Somaliland.

Geesta kale, waxaa uu sheegay in fadhigoodii labaad uu goluhu yeelan doono maalinta berri oo ay sidaas ku guda geli doonaan hawlaha shaqo ee u yaalla golaha cusub ee Wakiillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here