Yagoori (HP): Waxaa maanta magaaladda Yagoori ee gobolka Sool ka furmay shirka nabadaynta laba beelood oo halkaasi wada dega oo ay hore u dhex martay shaqaaqo dhimasho sababtay.
Furitaanka shirkaasi waxaa ka qayb galay wefti wasiirro iyo masuuliyiin kale isugu jira oo ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, iyo maamulka gobolka Sool.
Sidoo kale waxaa furitaanka shirkaasi ka qayb galay ergooyin madax dhaqameed ah oo dhex dhexaadinaya labadda beelood ee hore dirirtu u dhexmartay, iyo madax dhaqameedka labadda beelood ee la heshiisiinayo.
Beelahan la heshiisiinayo ayaa hore waxay shaqaaqo dhimasho sababtay ugu dhex martay degaanka Dhabar-Dalool, oo ka tirsan gobolka Sool.
DAAWO: Furitaanka Shirkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.