Shir Lagu Nabadaynayo Beello Oo Ka Furmay Deegaanka Saax-maygaag

0
360

Saax-maygaag (HP): Waxaan maanta si rasmi uga daah-furmay deegaanka Hadhwanaag shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dhawaan dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.


Shirka waxa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, siyaasiyiin deegaankaasi u dhashay, iyo dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda.
Waxaana furitaanka shir nabadeedkaasi uu madaxweyne ku-xigeenka Puntland ka soo soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wadanoolaashaha beelaha walaalaha ah.


Go’aamadaas oo kala ah:

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.
2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.
3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.
4.Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.
5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo geel ah oo aan wakhti lahayn.

DAAWO: Hadalkii Uu Furitaanka Shirkaasi ka Jeediyay Axmed Karaash:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here