Hargeysa, (HargeisaPress) —Shirkii sanad-laha ahaa ee Maamul daadajinta dawladdaha-hoose ee JPLG ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda Hargaysa ee Somaliland. Mashruucan maamul daadajinta dawladaha Hoose oo ahaa hal Maalin ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Madaxa Mashruuca maamul-daadajinta dawladaha Hoose ee JPLG ee Somaliland iyo Soomaaliya Patric Dong, Guddoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL, ahna Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO), Maayirka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdisamad Cumar Maal, Agaasimaha Ururka Dawladaha Hoose ALGASL Maxamed Cabdi Xaashi (Xamari) iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.
Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir waa madaxa barnaamijka maamul daadejinta JPLG ee madaxtooyada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida uu ku soo bilaabmay mashruuca JPLG heerarkii uu soo maray iyo guulaha ay imika ku talaabsadeen.
Madaxa Mashruuca maamul-daadajinta dawladaha Hoose ee JPLG ee Somaliland iyo Soomaaliya Patric Dong oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan maanta u arkaa inay maalin weyn u tahay dadweynaha reer Somaliland, shaqaalaha dawladaha Hoose iyo dhamaan-na intii aanu muddada dheer soo wada shaqeynaynay, hogaanku ama Jaanbiyoonku muu gaadheen waxa uu qabtay haddii aanay la shaqeynayn Maayiradu, maayiradu waxay ahaayeen codkii u hadlayay maamul daadajinta, iyaga in baddan dalbaday in maamulka la daadajiyo, oo waa inaynu u mahadnaqnaa.Waa inaynu u mahadnaqnaa dawlada dhexe, gaar ahaan Wasiirada Waxbarashada, Caafimaadka, Wasaarada Hawlaha guud inay ka qeybqaadato maamul-daadajinta waxay dhinac waliba u arkaan in lagu guuleysanayo maamul daadajinta”
“Maamul daadajintu u-jeedadeedu waxa weeyaan in 5-sanno ama 10-sanadood ama 15-sanadood kadib waa inay dadweynuhu helaan hawl iyo adeeg la soo dhaweeyey, oo ay ka helaan meesha ay degen yihiin.Dadweynaha waxa u suurageli doona inay ka qeybgalaan go’aan ka gaadhista hawlaha ka dhacaya meesha ay degen yihiin ee u dhow, taasina waxay u suuragelin doontaa.taasina waxay u suurageli doonta inay dhiirigeliyaan dawlada Hoose ee k u guuleysata inay adeeg wanaagsan siiso, ta kalena aanay sidaa ka yeelin. Dawlada Hoose iyo maayiraduna waxay yeelan doonaan masuuliyad intan ka baddan.oo ah inay adeega dadka gaadhsiiyaan.Taasina waxayu baahan tahay in la siiyo agabka ay u baahan yihiin iyo baahiyaha ay leeyihiin si ay u hirgeliyaan adeega la daadajiyay ee la fulinayo”.
“Dawlada Hoosena waxa u taala inay muhiimada siiso hawshaasi maamul daadajinta, taasi waxay dawlada dhexe fursad u siin doonta sida Wasiirada inaanay toos ugu mashquulin hawlaha fulintooda, laakin ay ku mashquulaan arrimaha ka waaweyn ee ah kormeerida, hubinta iyo sida ay adeegyadu u socdaan”.Ayuu yidhi Patric Dong, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu dawlada dhexe ka caawin doona sidii ay dawladaha Hoose adeeg hufan u gaadhsiin lahaayeen dadweynaha”
Guddoomiyaha Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL, ahna Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maamul daadajinta dawladaha Hoose waxa weeye in ay adeegii helaan dadka hoose oo la gaadhsiiyo aqal ilaa aqal oo uu qofku agtiisa ka helo adeegii, waxaan u mahad-celinayaa qaadhaan-bixiayaashii hawshan daba taagna ee dhaqaalaha ku bixinayay intii ay hawshu socotay.Qeybtii kowaad ee waxbarashadu waxay ka hirgashay saddex degmo, si aanu annaguna Hargeisa ahaan uga qeyb qaadano waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu qeybtaa waxbarashada la wareegno oo sanadkii hore iyo kii ka sii horeeyey-ba aanu ku bixinay $100,000 oo Dollar (Boqol kun oo Dollar) oo aanu ka goynay lacagtayada aanu soo saarno.