Daawo Muuqaal: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo ka qayb galay Munaasibada Lagu Xusayay Cudurka Halista ah ee AIDS-ka

0
1114

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil(Saylici), ayaa maanta ka qayb galay Munaasibada Xuska Cudurka Halista ah ee AIDS-ka oo maanta oo kale laga xuso dunida oo dhan. Maalintan oo ku astaysan ka hortaga iyo wacyi galinta Cudurkan halista ah ayaa Madaxweyne xigeenka Somaliland ka sheegay in Dawada lagula tacaali jiray Cudurkani noqotay mid awood u leh inay qofka ka bogsiiso Cudurkan.

“Waxaan maanta idiin haynaa war farxad leh, kaasi oo sheegaya in dawadii la odhan jiray A.R.T ee lagu daweeyo Cudurkan ay karti u leedahay inay ilaa xad baabiiso cudurkan,taas oo ka dhigaysa in qof kasta oo qaata ay adag tahay in Cudurkan laga helo,iyadoo suuro galinaysa in qofku iskaga difaaco Cudurada kale.Maalintan ku astaysan in aduunyadu isku xasuusiso aafada cudurkan, waxaa Somaliland ka go’an la dagaalanka cudurkan aafada ku ah Adduunka” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa tilmaantay in dawadan dadka qaata 95% aanay faafin cudurka “Dawada loo qaato Xanuunkan boqolkiiba shan iyo sagaashan(95%) waxay heleen Caawimo oo ma faafin karaan Xanuunka.waxa loo baahan yahay Ururada ku hawlan wacyi galinta HIV/Aids inay bulshada ku wacyi galiyaan in dadka xanuunka la nool ee wali qarsanayaa ay tagaan goobaha dawada laga qaato oo Illaahay baa wadka hayee uu riiq dheeraan karo oo Bulshada uga mid noqon karo” ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Maanta oo Dunida laga xuso Cudurkan ayaa meelo badan oo Somaliland ah laga xusay, waxaana u jeedada Xuskan sharaxaya Agaasimaha Komishanka la dagaalanka Cudurka Mr Cabdi Cali Jaamac “Ujeedada Xuskan aynu iskugu nimid wuxuu daaran yahay laba arimood oo kala ah in dadka fayow laga wacyi galiyo Cudurka oo laga hor tago iyo in la xasuusto dadka Xanuunka la nool si loo dhawro xuquuqdooda,kuwaas oo iskugu jira kuwa is og inay xanuunka la nool yihiin iyo kuwa aan is ogayn” ayuu yidhi agaasimuhu isagoo tilmaamay in cabirka la hayo ee cudurkani yahay in Boqolkiiba hal qof uu haleelay dadka somaliland (1%).

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here