Shir lagaga hadlayay adkaynta amniga xuduudaha Somaliland oo ka dhacay Hargeysa

0
1923

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay adkaynta amniga xuduudaha Somaliland, ayaa maanta ka dhacay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha Gudaha, ayaa shir-guddoominayey Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaa kulanka ka soo qaybgalay Taliska ciidanka socdaalka iyo ilaalinta Xuduudaha, Taliska ciidanka Booliska, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maayarka ku xigeenka caasimada iyo Agaasimaha guud ee amniga ee wasaaradda arrimaha Gudaha.

Kulanka, ayaa lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa amniga xuduudaha dalka iyo sidii looga hortegi lahaa cidkasta oo isku dayda in ay dalka ku soo gasho sharci darro.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa faray laamaha amniga iyo Taliska Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha dalka, in ay xoojiyaan amniga Xuduudaha iga oo kaashanaya Hay’addaha kale ee amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here