Gabiley (Hargeisa Press)- Shil gaadhi oo sababay khasaare dhimasho ah, ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Gabiley.
Shilkan gaadhi, ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay kantaroolka bari ee magaalada Gabiley, Sida ay ku soo waramayo wariyeyaasha Shabakada Hargeisa Press.
Waxaana shilkan gaadhi ku dhintay laba qof, labada qof ayaa kala ahaa dirawalkii gaadhiga Vitiz ah iyo gabadh la socotay.
Shilkan, ayaa waxa sababay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi wayn oo nooca xamuulka qaada ah ee u kala goosha Somaliland iyo Itoobiya iyo gaadhi Vitiz ah.