Berbera (Hargeisa Press) – Shil gaadhi oo dhimasho iyo dhaawac sababay, ayaa maanta ka dhacay duleedka Magaaladda Berbera gaar ahaan meel u dhow Kaantaroolka Galbeed ee Magaaladda Berbera.
Shilkan gaadhi, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen inta ilaa hada la xaqiijiyey 4 Qof, halka 6 Qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Shilkan gaadhi, ayaa waxaa uu yimid kadib markii Laba gaadhi oo kala ah Bas iyo VITZ ay isku dhaceen.
Dadka dhintay Sadex ka mid ah, ayaa waxay ahaayeen Shaqaalaha Dekedda Berbera kuwaas oo saarnaa gaadhiga VITZ ah waxayna ku sii jeedeen Magaaladda Dacar budhuq si ay beri uga codeeyaan.
Waxaa kale oo dadkii ku dhaawacmay Shilkan lagu dabiibayaa Cisbitaalka guud ee magaaladda Berbera.
Somaliland, ayaa waxaa aad ugu soo badanaya shilalka ay gaadiidku geystaan, waxaa ugu badan ee keena shilalka ayaa ah gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.
Boliisku waxay sheegeen in sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka Somaliland ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan.