Shil baabuur oo ka dhacay jidka isku-xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley

0
1082

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shil baabuur oo sababay khasaare, ayaa waxaa uu galabta ka dhacay jidka xidhiidhiya magaalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley.

Shilkan baabuur, ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay ugu yaraan 8 ruux.

Gaadhiga ay dadkani la socdeen, ayaa ahaa basaska yar yare ee u kala goosha magaalooyinka kala duwan ee dalka Somaliland.

Somaliland, ayaa waxaa aad ugu soo badanaya shilalka gaadiidka, iyadoo ay shilalkaasi ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh iyo mid hanti maaliyadeed ah.

Sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidka, ayay boolisku ku sababeeyeen in ay yihiin telefoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan .

Waxaa ay sheegeen in waxaa ugu badan ee keena shilalka ay yihiin gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here