Sheekh Shariif oo ka dayriyey hab-maamulka Ciidamada Soomaaliya

0
1375

Muqdisho (Hargeisa Press)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa uu eedeeymo culus u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Shariif oo shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay ka gaabisay dhammaan howlihii laga rabay, sida amniga, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay hubkii dhawaan lagu boobay Degmada Caabud-waaq, isaga oo sheegay inuu halis ku yahay cunaqabateyntii hubka ee dhowaan laga qaaday Soomaaliya.

โ€œDadaal badan ayaa la geliyay in cunaqabateynta la qaado balse waa nasiibdaro in isla markiiba ay muuqato masโ€™uuliyad-daro ah in hubku uu gacanta u galo shacabka, Dowladuna ay ku lug leedahay oo ciidankeedii ay gelbinayaan hub sharcidaro ahโ€ ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Sheekha Shariif, ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu madaxda Maamul goboleedyada u sheegay in ay iska joogaan oo aanay doorasho qaban.

โ€œWaxa nasoo gaadhay in Madaxweynuhu uu ku yidhi Madaxda maamulada ee xiligoodu dhamaaday, iska jooga wax doorasho ah yaan la qabanโ€ ayuu yidhi Sheekh Shariif oo intaas ku daray, โ€œdowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaaโ€

Sheekh Shariif, ayaa sheegay in sida ciidanka Soomaaliya loo maamulo iyo sida loo hoggaamiyaa ay khaldantahay.

โ€œMa jirtaa hal guuto oo ciidanka ka mid ah oo dagaallami kartaโ€ ayuu yidhi Sheikh Shariif oo intaasi ku daray in hanaanka loola dagaallamayo Al-shabaab hadii uu saxsanyahay, maxay ciidanku u soo Jabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here