Shacabka oo Soo Dhaweeyay Dhismayaasha Xafiisyada iyo Nalalka Jidadka Maamulka Goluhu Ka Fuliyay Gabiley Oo Qeyb Ka Noqdey Bilicda Magaalada

0
1106
HargeisaPress —Guud ahaanba Shacabka kunool Gudaha Magaalada Gabiley, ee Xarunta Maamulka Gobolka Gabiley ayaa siweyn usoo dhaweeyay Dhismaha Masahaariicda Hurumarineed ee Qeybta ka  ah Hurumarinta Adeegyadda Asaasiga u ah Kaabayaasha Bulshada, gaar ahaana Xafiisyadda Hay,adaha Dawlliga ah iyo dhamaystirka Dayactirka Jidadka Waaweyn ee Gudaha Magaalada dhex marra oo lagu Kordhiyay Nalalka Baalayaasha Leydhka, ee Jidadka iyo Bilicda Magaalada Ka Qeyb qaata(Public-Lights)ka.
Qeybaha ugu baddan ee Shacabka ku nool Gudaha Magaalada Gabiley, oo Mudooyinkii u Dambeeyay siweyn uga markhaati kacey Talaabooyinka Waxqabadyada Muuqda ee Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ku muujiyeen Waxqabadka Shacabkii soo doortey, oo indhawaale Maalinba Maalinta ka Dambeysa indhaha Dadweynuhu siweyn ugu diirsadeen khusuusan isbadelada Dhismayaasha Bilicda jidadka gudaha Magaalada iyo Dhismayaasha Xafiisyadda oo badhkood la kawsadeen Bisha barakaysan ee Soonka Ramadaanta iyo U Diyaargarawga Xuska Munaasibadda 18ka May taas, oo si xoogan Wax uga badeshay Muuqaalka Magaalada Gabiley, Waxa ay ka hadlisey Dareenka Shacabku ku qaabileen innay jawaab Ka Bixiyaan Waxqabadyadda Muuqda ee aan laga dafiri karin Maamulka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo Wax ka qabtey Guud ahaanba Gobolka gaar ahaana Magaalada Gabiley ee Xarunta u ah Gobolka iyadoo tani Taariikhda u gali doonta Maayarka Magaalada Gabiley ee Xiligan islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Da,da yar Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyagoo ka hadlaya Qeybaha Shacbiga Gabiley Waxa kamid ah hadaladooda.
“Maayarkaa Maanta Joogga Gabiley Inankaasi Waanu U Ducaynay Haddaanu Nahey Odoyaashii Gabiley, iyo Golihii horeba Waxaan Leeyahey Golihii uu Hogaaminayayna Wuu Asturey Waxaan Leeyahey, Gabiley Maanta Ayey Dhaqaalaheedii Ka Arad Baxdey Wuu dedaalay intii itaalkiisa ah Taariikhda ayaanay ugali Doontaa Maxamed Amiin” Sidaa Waxa yidhi Ibraahim Axmed Xasan(Sangal), oo kamid ah Ragga Mudakarka ah ee Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley uguna aftahansan.
Waxaanu intaa ku Darey Ibraahim Sangal in Waxqabadka Maanta laga Qabtey Gabiley aanay Wali hore Nasiib ugu Yeelan Sida uu hadalkiisa u dhigay haseyeeshee, uu Wakhtigu Kusimay Maayarka Xiligan ee Hogaaminaya Golaha Deegaanka ” Ninkii jirrey Wuxuu Yidhi Reer Hebel Nagama Geel badna,e Cid Ku Faanta oo Geelayagga Sheegta ayuu Waayay Maanta Cid ka Waxqabad Maxamed-Amiin majirto Dalka oo dhan Laakiin Cid ka Marag kacda ayuu Waayay”Ayuu Yidhi Oday Sangal.
“Haddii Xaqiiqda Laga hadlo Maayarkani Waxqabad Baddan oo La Taaban karro ayuu Ka Qabtey Gobolka iyo Degmadaba, Gudaha Magaalada Xattaa Tacab badan ayaa lagaliyay Dhismaha Jidadka iyo Biyo Dhacoodaba iyo Korontada lagaliyay Waxyar ayaa u hadhey ee Boqolkiiba Sagaashan ayuu hadda Wax ka Qabtey” Sidaana Waxa yidhi Maxamed Muxumed Nuur(Laanloobar), oo horena uga tirsanaa Golihii hore ee Deegaanka isagoo Xusey in Maayarkani Fuliyay mudadii uu joogay Gabiley Waxqabad la taaban karro oo Dadweynuhu si aad ah usoo dhaweeyeen.
Dhismayaasha Maamulka Golaha Deegaanku ku kordhiyay Xafiiska Maamulka Gobolka, Taliska Qeybta Booliska iyo Meelo kale oo baddan islamarkaana, Jidadkii hore kusoo kordhiyay Jidad Cusub oo Laba haad iyo afar haad oo ay Gaadiidku isku Weydaaran karaan ayaa dhamaantood Wax badan kusoo kordhiyay Bilicda Gudaha Magaalada Gabiley.

LEAVE A REPLY