Sarkaalkii Sababta U Ahaa In Somaliland Iyo Midowga Yurub Kala Fogaadan Oo Shaqadii Ka Dhamaatay

0
1118

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ergaygii midowga yurub u qaabilsanaa Somaliland iyo somaliya danjire Michele CervoneDurso oo la aaminsan yahay inuu sabba u aha kala fogaanshaha Somaliland iyo midowga yurub ataa wakhtigii shaqo waxuu ku jira mudooyinkii u danbeeyey.

 

Danjire Michele oo xafiiska midowga yurub ee gobolka soo hayay muddo 3 sanadood ah wuxu xaafiiska banaynayaa bisha August ee soo socda waxaana la filayaa in lagu badalo ergay kale .

 

Sarkaal oo dhalasha ahaan kasoo jeeday midowga yurub ayaa wax la aamisan yahay inuu ahaa ninkii ka shaqeeyey in midowga yurub ka baxo Somaliland isla markaana uu xaruntisa ka dhigto magaalada muqdisho.

 

Midowga yurub ayaa xarun wayn ka dhisanaya magaalada muqdisho halkaas oo ay doonauyaan inay ka hagaan qorshayaashooda Somaliland.

 

Danjire Michele ayaa waxay xukumadda Somaliland aad ukala fogaadeen markii ay golaha guurtidu sameeyeen muddo kordhinti madaxwaynaaha Somaliland taasoo isagoo ka wakiil ah midowga yurub uu ganafka ku dhuftay, markaas kadibna xukumadda Somaliland ayaa midowga yurub u dirtay dhambaal ay kaga cabanayso falal ay sheegtay inuu qaaday Michele taas oo ay jawaabtii midowga yurub-na noqotay inay xidhaan xafiiskoodii magaalada hargeysa.

Michele CervoneDurso

Lama saadaalin karo in marka uu danjire Michele xafiiska baneeyo uu midowga yurub wax ka badali dooono siyaasadiisii hore ee Somaliland iyo inuu halkaii kasoo wadi doono uu xafiiska hargeysa ku jiro xaalad waydsanaan ah, laakiin dadka aqoonta y leh xidhiidhka caalamiga ah ayaa aaminsan inaanu midowga yurub wax ka badali doonin siyaasadiisa ku waajahan Somaliland hadii uu joogo Michele iyo hadii uu tagaba.

 

Waxanay dadka aaminsan yihiin in qorshaha uu midowga yurub ugu guuray magaalada muqdisho ay tahay mid asal ahaan kasoo fulay xarunta midowga yurub ee Beljimka, haseyeeshee mar kaste waxa furan albaabka ah in furfurnaan iyo dadaal diplomaasiyadeed o ay xukumaddu la timaadaa uu keeni kari isbedell ku yimaada midawga yurub.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here