Safaaradda Somaliland ee Taiwan oo hal arrin ku boggaadisey dowladda Taiwan

0
975

Taip (Hargeisa Press)- Safaaradda Somaliland ee dalka Taiwan, ayaa waxaa ay ka hadashay taageeradii dhaqaale ee ay maanta dowladda Taiwan ku bixisay doorashooyinka Somaliland.

Safaaradda, ayaa qoraal ay ku baahisey boggeeda X, waxaa ay ku sheegtay in ay dowladda Taiwan uga mahadnaqayso taageerada qiimaha leh ee ay siiso doorashooyinka Somaliland.

Safaaradda, ayaa xustay in Taiwan ay door muhiim ah ka qaadatay doorashooyinkii Somaliland ee sannadkii 2021-kii, isla-markaana ay mar walba si weyn u taageerto horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxay safaaraddu intaasi ku dartay in mar labaad ay Taiwan si toos ah ay taageero dhaqaale ku bixisay doorashada Madaxtooyada iyo Ururada Somaliland ee dhacaya 13 bisha November sannadakan 2024-ka.

Safaaradda Somaliland ee dalka Taiwan, ayaa sheegtay in xidhiidhka wanaagsan ee labada waddan ka dhexeeya uu yahay mid kobcinaya horumarka, dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga.

Safaaraddu qoraalkeeda ku sheegtay ugu dambayntii in ay bogaadineyso wada shaqaynta wanaagsan ee Taiwan ee Somaliland.

Dowladda Taiwan, ayaa maanta xukuumadda Somaliland ku wareejisey dhaqaale lacageed oo dhan $2 Milyan oo dollar.

Taiwan, ayaa dhaqaalahan lacageed ugu talo gashay inay kaga qayb qaadato doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland ee la qorsheeyay 13 bisha November sannadkan 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here