Madaxweynaha Somaliland iyo Dowladda Norway oo ka wadahadlay xiisadda gobolka

0
4810

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabiley Ergayga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Norway Mr. Einar Rystad.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha Dibedda dalka Norway, ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa lagu sheegay inay Madaxweynaha iyo Ergaygu ay kulanka kaga wadahadleen arrimaha doorashooyinka, amniga mandaqada Geeska Afrika.

Waxaa sidoo kale bayaanka madaxtooyada lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Norway ka dhexeeya.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayay Wakiilka Midowga Afrika Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Cabdilaahi Dhoolayare) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, Axmed Abokor Maxamed.

Madaxtooyada Somaliland, ayaan faahfaahin intaasi dheer ka bixin kulanka, balse ilo-wareedyo ka agdhow Madaxweynaha, ayaa shabakadda HargeisaPress u sheegay in qodobka xooga lagu saaray kulanku ahaa xiisadda gobolka iyo ku lug-lahaanshaha Masar ee ka dhashay heshiiskii badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here