Jabuuti (HP): Dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay munaasibad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuradda 32aad ee la soo noqoshadda qaranimadda JSL ee 18-ka May.
Waxaana soo qaban qaabisay xafladaasi safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka janhuuriyadda Jabuuti.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dadweyne tiro badan oo ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Jabuuti.
Iyadoo na ay dadweynaha xafladaasi kala qayb galeen masuuliyiintii uu ka mid ahaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, C/fataax Siciid Axmed.
Danjire C/fataax, oo hadal u jeediayay dadweynihii xafladda xuska 18-ka May, joogay ayaa ka waramay u jeedadda xuska maalintan qaran ee 18-ka May.
DAAWO: Jabuuti oo si balaadhan looga xusay 18-ka May:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.