Safaaradda Mareykanka Ee Soomaaliya oo Baaq U Jeedisay Farmaajo

0
1206

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in sida dastuurku uu qabo uu kulan la yeesho dhammaan madaxda dawlad goboleedyada.

Waxay safaaraddu ku sheegtay barteeda twitter-ka in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yahay si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaan weli ka wada-hadlin arrimaha doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan daba-yaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka xiga.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale maanta waxa uu madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday inuu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi kasoo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here