Safaarada Ingiriiska Ee Somalia oo Soo Bandhigtay Mashaariico Horumarineed oo Ay Somaliland Ka Taageerto

0
1285

Muqdisho (Hargeisa Press)- Safaaradda ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo bandhigtay mashaariico horumarineed oo ay ka taageerto xukuumadda Somaliland.

Qoraal ay safaarada Ingriiska ee Soomaaliya soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay in dawladda Somaliland ay ka taageerto dhinaca horumarinta.

Waxaa ay safaaradu sheegtay in Somaliland ka taageerto waxbarashada, biyo nadiif ah, beeraha, waddooyinka iyo caafimaadka. Iyadoo u sii dhex marisa sanduuqa horumarinta ee SDF.

Hase ahaatee safaaradda Netherlands oo iyaduna ka jawaab celisay hadalka safaaradda UK, ayaa tidhi: “ha illaabin ingiriisow saaxiibbadaada kale ee qaybta ka ah sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF”.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here