Dawladda Hoose Ee Burco Oo Bilawday Ol’ole Kor Loogu Qaadayo Bilicda Magaaladda

0
790

Burco (HP): Dawladda hoose ee degmadda Burco ayaa bilawday hawl gallo ay ku Dhiraynayso jidadka hal-bawlaha ee magaaladda Burco, dhirtaasi oo kor loogu qaadayo bilicda magaaladda.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), iyo xildhibaan Rashiid Faarax, oo ka wada tirsan golaha degaanka Burco ayaa maanta kormeer ku tegay gobaha ay hawshaasi ka socoto.

Waxaanay xildhibaanadaasi ka codsadeen bulshadda magaaladda Burco in ay kala shaqeeyaan hawlahan dhiraynta iyo dhismeyaasha waddooyinka ah ee magaaladda ka wadaan.

Xildhibaan Mubaarig Bidhi, ayaa si gaara fariin ugu diray bulshadda Burco oo uu ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hawlahan bilicda magaaladda lagu qurxinayo, isla markaana ay noqdaan cashuur bixiyeyaal.

Waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu kormeernay waddada muhiimka ah ee kormeerta magaaladda Burco, oo aanu ku tallo galnay in sanadkan 2020-ka qorshaha noogu jirta in aanu dhir ku beerno, oo aanu Nalka ku xidhno.

Waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha reer Burco in ay nala shaqeeyaan, oo ay qashinkana ka ilaaliyaan, oo meheradaha jidka ka soo hor jeedaana ay si gaara u ilaaliyaan”.

Xildhibaan Bidhi, waxa kaloo uu xusay in dhaqaalaha kor loogu qaadayo bilicda magaaladda ay tahay cashuurtii ay bulshadu bixiyeen, sidaas darteedna ay dadweynuhu noqdaan cashuur bixiyeyaal wanaagsna.

“Waxaanu jecel nahay in bulshadda magaaladda ay nala shaqeeyaan, oo ay bilicda nala ilaaliyaan, oo ay dhirta nala ilaaliyaan. Iyaga ayaanu u shaqaynaynaaye, waa in ay dadweynuhu nala shaqeeyaan.

Waxa shaqooyin ah ee aanu magaaladda ka wadnaa, waa cashuurtii aanu dadweynaha ka qaadnay, markaa waa in ay cashuurtana bixiyaan”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Rashiid Faarax, ayaa isna ugu baaqay dadweynaha Burco in ay ilaashadaan dhirtan lagu qurxinayo bilicda magaaladda.

Waxaanu sheegay in ka dawlad hoose ahaan maalinba wixii karaankoodda ah ee horumarinta magaaladda ah ay qabanayaan.

Waxaanu yidhi, “Hala ilaaliyo bilicda, dhirta waanu idiin beeraynaa. Waxaana loo baahan yahay in dhirta laga ilaaliyo xoolaha.

Maalinba wixii aanu karno, ee bilicda magaaladda ah, waanu idinku soo kordhinaynaa. Idinku-an nagala shaqeeya haddii aad tihiin dadweynaha idinka ayaa leh dhirtan”.

Dhinaca kale qaar ka mida dadweynaha magaaladda Burco ayaa si weyn u soo dhaweeyay hawlan kor loogu qaadayo bilicda magaaladda. Tallaabadaasi oo ay ku tilmaameen mid aad u wanaagsan.

Waxaanay ku amaaneen dawladda hoose ee Burco sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan horumarka magaaladda, isla markaana ay dawladda hoose ku taageerayaan hawlahan danta magaaladoodda ah.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY