SABOOLNIMO! Ma Innaga ayaa Qorshaysanay, Mise waa Qoraal? Qeybtii 2aad Qallinkii Mustafe Adam

0
1184

Saddex nin oo ka mid ah dadka ka xogsada faras-maqaalaha Hargeysa oo midba xirfad gaar ah uu ku shaqaysto ayaan su’aalo door ah waydiiyay nolol maalmeedkooda iyo sida ay u maareeyaan, su’aalahaas iyo jawaabihii ka soo baxay oo aynu ku ladhi doono qodobo ka mid ah shareecadda Islaamka ayaynu ku soo qaadan doonaa mawduucan kooban, haddii Allaah (SWC) ogolaado.

 

Sharmaake, waa nin ku jira da’da wakhtigii loogu xoogga badanaa, laakiin ay ka muuqatay diif iyo daranyo, waxa aan ku qiyaasayaa in uu ahaa da’da loo yaqaan Gadh-madoobaha ama afartaneeyo. Sharmaake, waxa uu suuqa dhexe ee Hargeysa kaga shaqaytaa Gaadhi-gacan ama Kaaryoonle, sida uu ii sheegay waxa uu leeyahay ubad iyo Oori. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu agab ii qaaday. Imisa ayaad alaabtan iigu gaadhsiinaysaa meel heblaayo? ayaan waydiiiyay. Waxa uu iigu jawaabay, “8000sh/sl iska bixi,” gorgortan kadib, 7000sh/sl ayaanu ku heshiinay.

 

Intii aanu dhexda ku jirnay ayaan waydiiyay, “Maalintii imisa ayaad shaqaysaa?” “Kolba waa wixii Illaahay na soo galiyo,” ayuu yidhi. Waxa aan ku idhi bal celcelis ahaan qiyaas. waxa uu sheegay in celcelis ahaan ay maalintii soo gasho 60,000sh/sl (Lixdan kun shillin Somaliland). Waxa aan waydiiyay lacagtaas sidee ayaad u maamushaa?, waxa uu ku jawaabay, “30,000sh/sl xaafadda ayaan siiyaa, 10,000sh/sl meelahaas ayaan haaf baasto ah kaga ridaa, 20,000sh/sl waan isku diiriyaa (oo uu u jeeday waan ku qayilaa)”. Waxa aan waydiiyay, Inta aad jaadka iska dayso, miyaad 20,000sh/sl urursatid?, waxa uu ku jawaabay, “Dhawr jeer ayaan isku dayay oo kontonkiiba way i soo gali waayeen”!!!!!.

 

Shucayb, waa farsamo-yaqaan da’yar oo ka shaqeeya gaadiidka (Mechanic). Salad casar kadib, ayuu iga raacay wado ka mid ah waddooyinka Hargeysa, isaga oo xidhan dharkii shaqada, qalabkii uu ku shaqaynayna sita, laakiin takhsiinsan (Jaad afka ku haya), waxa uu soo cilad-saarayay gaadhi meel ku ciladoobay. Isbarasho iyo is-xog-waraysi kadib, Shucayb, waxa uu ii sheegay in uu maalintii ku qayilo $10 (toban dollar), Shucayb waxa uu leeyahay qoys ka kooban saddex carruur ah iyo hooyadood, guri kiro ahna wuu galaa. Waxa aan waydiiyay, miyaad jaadka iska daysid oo aad $10 kaydsatid haddii ay kaa go’do,? Waxa uu ku jawaabay, “…Walaahi bari-hore ayaan guri dhisan lahaa….ee ii soo ducee.”

 

Shire, waa nin Oday ah oo soo gotay, da’ahaan waxa aan isleeyahay waxa uu ahaa dhawr iyo lixdan, haddii aanu kaba weynayn. Waa KABO-TOLLE, isaga laftigiisu waxa uu xirfaddiisa oo aad mooddo in uu muddo dheer ku soo dhex jiray kaga shaqaystaa goob ka mid ah suuqyada Hargeysa ee Kabaha lagu tollo. Galab ayaan ka codsaday in uu ii farsameeyo kabo aan kubbad ku ciyaarayay. Waxa uu ahaa oday ay farxad badan ka muuqato, inta uu hawshii uu hayay oo dhan faraha ka qaaday ayuu hawshii ii bilaabay. Intii uu waday ayaanu sheekaysanay, su’aalo badan oo uu I waydiiyay ayaan uga jawaabay.

 

Su’aalaha aan anigu waydiiyay waxa ka mid ahaa; “Maalintii imiska ayaad shaqaysaa?” waxa uu ku jawaabay, “….Waa magaalo oo, waa maalinba si,” waxa aan ku idhi adeer bal qiyaas celcelis ahaan inta ku soo gasha maalintii. “……meelahaa 70,000sh/sl (todobaatan Kun) way sii soo galaan,” Waxa aan waydiiyay lacagtaas sidee ayaad u maamushaa, waxa uu ku jawaabay, “35,000sh/sl xaafadda ayaan siiyaa, 15,000sh/sl qado iyo shaah ayaan siistaa inta aan suuqa joogo (Sida aan u fahmay quraacda iyo cashada guriga ayuu ku leeyahay), 20,000sh/sl waxa aan ku ridaa sanduuq aanay waxba ka soo noqon,”

 

Su’aalihii aniga oo sii wata ayaan waydiiyay, “Lacagta sanduuqa maxaad ugu talogashay” waxa uu ii sheegay arrin cajiib ah, “Toddobaadkii hal mar ayaan ka soo saara, dabadeedna waxa aan siistaa JIINGAD iyo LOOX kobla inta ay jarto, sidaas ayaan ku dhamaystiray GURI JIINGAD ka samaysan oo saddex qol ah, welina sanduuqii wuu shaqeeyaa”!!!!

 

Sida ka muuqata qisooyinkaas oo dhab ah, waxa aad moodaa in ay jawaab cad u yihiin ciwaanka mawduuca. Waxa kale oo halkan ku cad dhibaatadda uu Jaadku ku hayo bulshadda oo in badan laga hadlay, haddii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha, caafimaadka, wakhtiga iyo mas’uuliyaddaba, laakiin xalkii aan weli laga hadal. Sida ay Sharmaake iyo Shucayb sheegeen waxa ay aamineen haddii ay iska joojiyaan in aanay shaqaysan karayn, waana arrin guud ahaan ragga qayilaa ay aamisan yihiin.

 

Haddaba su’aasha iswaydiinta mudan ee u baahan in cilmi-baadhis dhab ah laga sameeyo waxa weeyi Jaadku saami ma ka yahay saamileyda SABOOLNIMADA?

 

Illaahay (SWC) waxa uu Qur’aanka kariimka ah, gaar ahaan suratul-Israa ku sheegay: (27) In Dadka (Rag iyo Dumarba) ee daadaadinayaa (ama meel aan sharci ahayn ku bixinaya) xoolaha iyo maalka uu Illaahay ku manaystay ay yihiin dad ehel iyo walaalnimo ay wadaagaan Shaydaanka, Shaydaankuna Allihii abuuray ayuu ka fallaagoobay ama ka gaaloobay.

 

Sidoo kale, macnaha xadiith saxiis ah oo uu soo wariyay Abu-hurayra, ansixiyeenna labada sheekh ee Bukhaari iyo Muslim ayuu Rasuulku (NNKH) ku yidhi; “Qofku in uu dhabarkiisa ku xaabaysto ayaa uga khayr badan in uu ruux kale wax waydiisto oo uu siiyo ama uu u diido.”

 

Saxaabigii weynaa ee Cumar Bin Al-Khaddaab (IRHA) ayaa raad-raac uu ka tagay ku sheegay; “Qofka Illaahay tallo saartaa, waa ka dhulka wax ka beerta, Illaahayna tallo-saarta. Midkiin yaanu ka fadhiisan risiq-raadinta, isaga oo odhanaya; ‘Ilaahayaw i arsaaq, isaga oo og in aanay sammadu  dahab iyo maar da’in, Illaahayna dadka ayuu kala arsaaqaa”.

 

Hadalka Illaahay, hadalka Rasuulku iyo taladdii saxaabadu waxa ay marag cad u yihiin in SABOOLNIMADA lagaga bixi karo oo keliya in ‘maal xalaal ah la shaqaysto,’ dabadeedna si hufan loo maamulo. Haddii qofku aanu shaqaysan karayn, sida agoomaha iyo kuwa la mid ah waxa aynu kaga hadalnay qormadii 1aad ee ahayd “SABOOLNIMO! Maxaa Sababa, Sideese looga Gaashaaman karaa?” Oo aad ka heli kartaan mareegaha Soomaalida.

 

 

 

Mustafe Adam

kibaaro@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here