Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa 21 july 2016. xaflad ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Saamilayda Shirkada Kalluumaysiga Ee Pontus Marin.
Kulankaasi oo ka dhacay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb-galay boqolaal ka mid ah saamilayda Shirkada Kalluumaysiga Ee Pontus Marin, kuwaasi oo ka yimid Gobolada dalka oo dhan iyo dalka dibadiisa.
Waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay Masuuliyiinta sare ee Shirkada Kalluumaysiga Ee Pontus Marin. Ujeedada kulanka ayaa ahayd Is xog-waraysi ku saabsan waxyaabaha shirkadda u qabsoomay iyo waxyaabaha qorsheysan sannadaha soo socda in laga midho-dhaliyo.
Maareeyaha Guud ee shirkada Pontus Marine LTD Axmed Abokor ayaa warbixin dheer sii dadkii ka soo qayb galay xaflada .
Ugu dambeyn; kulankaasi saamilayda Shirkada Kalluumaysiga Ee Pontus Marin ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP