Ruto oo Shaqo-joojin Ku Sameeyay Afar Kamid Ah Guddiga Doorashada Kenya

0
667

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa shaqada ka joojiyay afar ka mid ah guddiga doorashada oo diiday in ay taageeraan guushii uu ka gaadhay doorashadii bishii August ka dhacday dalkaasi, sida ay madaxtooyadu sheegtay Jimcihii, wuxuuna sameeyay guddi baadhitaan ku sameeya haddii ay habboon tahay in xilalka laga qaado.

Tallaabadan, ayaa dagaal cusub u furtay dowladda iyo mucaaradka, waxaana ay timid kadib markii baarlamaanka Kenya uu Ruto ka codsaday inuu sameeyo dacwad ka dhan ah xubnaha guddiga doorashada ee kala ah Juliana Cherera, Justus Nyang’aya, Irene Masit iyo Francis Wanderi.

Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee sida dirqi ah lagaga guuleystey doorashadii Augost, ayaa ku gacan-seydhay tallaabadii uu Ruto ka qaaday xubnihii diidanaa natiijada doorashadiisa.

“Iyagu (xukuumadda Ruto) waxay bilaabeen qorshe ay xilka kaga qaadayaan afarta qof ee cadaaladda u taagan,” ayuu yidhi Odinga Jimcihii, wuxuuna ku eedeeyay Ruto inuu isku dayay inuu la wareego maamulka doorashada soo socota.

“Waxay doonayaan inay soo magacaabaan xubnaha guddiga si ay u fuliyaan khiyaanadooda 2027,” ayuu yidhi Odinga oo wacad ku maray in ay qabanayaan isu soo baxyo dadweyne, si ay wadatashi ula sameeyaa Kenyanka tallaabooyinka xiga.

Dibadbaxa ugu horeeya, ayaa ka dhici doona Nairobi December. 7, halka kan labaadna ay qaban doonaan December. 12-keedaa.

Xafiiska Ruto si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka ee Reuters ay wax ka weydiisay eedeyntan.

Mid ka mid ah guddigan, Justus Nyang’aya, ayaa sheegay inuu is-casilay, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Afarta xubnood, ayaa qabtay shir jaraa’id oo barbar socday kan guddoomiyaha guddiga doorashada bishii Augost. 15-keedii, waxayana sheegeen in aaneyn qayb ka noqon karin natiijadii sida toos ah telefiishanka ay kaga dhawaaqeen guddoomiyaha iyo laba xubnood oo kale.

Muranka,  ayaa u gudbay maxkamadda sare, taasoo taageertay doorashadii Ruto, waxayna diiday doodda ay afartan xubnood soo bandhigeen ee ku saabsan habka tirinta codadka.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here