RUN BAA RUN DHASHA E, HA LOO RIYAAQO WANAAGGA.

0
1280

Waxa ay ahayd habeen kulamo dhaadheer, talooyin wax toosiya oo tusaale badan koobsatay la soo gunaannaday. Murrashaxiinta Kulmiye, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda intaba aannu jilbaha is-darney si haddii Alle idmo ay qaranka wanaag ugu dhiijiso.

Barnaamij hufan, weyn oo dhab ka hadal ah oo dalkan wax badan laga ga beddeli karo ayuu Kulmiye diyaar u la yahay umaddiisa. Waxa uu dalkeenu tabayaa waa cid lexe-jeclo ka leh oo u damiir damqaneysa.

Cid adag oo go’aan qaadan karta, oo aan hebel iyo heblaayo warkiisa leexin karin, cid qorshe ku socota oo cidda uu xil u igmadaa la xisaabtan ka baqayso.

Cid tuugta iyo kuwa masaakiinta dhacaa ay ka habrato, kuwa wanaagga rabaana ay raali ku yihiin, oo dalkeena hore samaan ugu naf hurtay, intii ay adkayd la soo jiiftey oo aan habeen meel kale uga carraabin, haddana heegan uga ah in uu samatabixiso.

Sannadkii 2016 waxa uu ahaa sannad aannu barnaamijkii xisbiga ku dhammaystirney (Political Manifesto). Isla markaana siyaasaddii qaranka ee toban sano waddanka lagu wadi lahaa ku dajinney (Documents of National Policies).

Marka uu xisbigu guuleysto, Insha Allahu Somaliland ayaa guuleysan doonta, yaan la rajo dhigin dalkeena wax badan oo wanaagga ah ayaa laga qaban karaa.

Waxa dhawaan la soo bandhigi doonaa barnaamijkii xisbiga, oo la yaqaan cidda qortay, oo lagu fadhiisiyey kartideena, haynteena iyo cududdeena farsamo. Run baa run dhasha e, wax badan ayuu dalkeena wanaag u beddeli doonaa dhawaan.

Mohamed Hagi

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here