Burco (Hargeisa Press)- Roobab lagu qabawsaday, ayaa maanta ka da’ay degaamo ka tirsan gobolka Togdheer xili qy gobolkaasi ka taagan tahay xaalada abaareed.
Curashadda roobkan maanta, ayaa bulshadda degaamadda gobolka Togdheer ay si weyn u soo dhaweeyeen, xaaladda abaareed ee haysata awgeed.
Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo ku sugan gobolka Togdheer gaar ahaana Banka Aroori, ayaa ka warbixisay roobabkaasi.