Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo labada dhinac ah iyo kuwa badan.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa maanta gelinkii dambe ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed.
Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa X, ku sheegay in “Wadahadalladii laba geesoodka ahaa ee aan Madaxtooyada Qaranka kula yeelanay Madaxweyne Emmanuel Macron, waxaan uga wada hadalnay arrimo badan oo labada dhinac ah iyo kuwo dhinacyo badan leh.”
Waxa uu sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay Madaxweyne Emmanuel Macron iyo taageerada dowladda Faransiiska ee dib u cusboonaysiinta Qasriga Qaranka iyo dib u soo celinta joogtada ah ee kaniisadaha dhagxaanta ee Lalibela.
“Intii lagu jiray wada-hadalladayada, waxaan sahminnay iskaashiga suurtagalka ah ee dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan kordhinta maalgashiga Faransiiska, iyo sidoo kale xoojinta xidhiidhka waxbarashada iyo dhaqanka.”
“Waxa kale oo aan carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in aan ka dhisno xidhiidhkeena soo jireenka ah ee taariikhiga ah, ayuu sidoo kale Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ku yidhi qoraalkiida.