Ramaax Oo Madaxweyne Biixi Ku Dhaliilay Sifaha Looga Qaaday Muwaadinka Dhulkiisa Madaxtooyada Laga Dhisayo

0
1269

Hargeysa,(HargeisaPress) —Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax xoghayaha arimaha gudaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ku dhaliilay madaxweyne Biixi inuu dhul ka qaaday muwaadin xaq u leh dhulkiisa.

Waxaanu xukuumada uga digay inay dhulkaas  ka qaado muwaadinkaas, iyadoo awood dawladnimo u adeegsanaysa.

 

Ramaax oo la hadlaayay HCTV waxa uu yidhi “Waxa maanta taagan mid xukuumada laftigeeda hoggaankii ugu sareeyay uu ku kacay waad arkaysaan Ina Xasan Dalab qaylada ka baxaysa caruurtiisii iyo hooyooyinkii.

Odayaashii waa dhibaato runtii ay ahayd in aanay kor u soo bixin ee ay tahay xaqoodii oo la duudsiyaayo oo xoog lagaga qaadayo oo xukuumadu u badheedhay iskana qaban la’dahay, xukunkii maxkamada ayuu haystaa”.

“Waxa uu xaq u leeyahay xukuumadu haddii ay u baahato dhul waa ay la wareegi kartaa laakiin waa in waxiisii loo celiyaa waa in wada xaajood iyo qancin la qanciyay ay timaadaa”ayuu Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here