Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Ingiriiska Theresa May oo ku Dhawaaqday Wasiirro Muhiim ah

0
1117

London, (HargeisaPress) —Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Britain Theresa May oo shalay oo Arbaco ah la wareegtay xafiiska, ayaa durbaba ku dhawaaqday golle Wasiirro Cusub oo aad muhiim u ah, waxaana wasiirada ka dhax muuqda shaqsiyaad aan laga fillaneyn in ay qabtaan xilalka ay u magacaawday Mss May.

 

Mr. Johnson oo ah Duqii hore ee London oo si weyn ugu ololeeyay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ayaa loo magacaabay xog-hayaha arrimaha dibada,taasoo dad badani aad uga yaabisay markii ay magaciisa ku dhax arkeen gollaha wasiirada cusub, waayo Theresa May laftirkeeda ka mid aheyd ka hor inta aysan ra’iisal wasaaraha noqon shaqsiyaadkii sida weyn ugu olaleynayay in laga sii mid ahaado midowga Yurub.

 

Ninka jagadaasi hayay ee Philip Hammond, ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda, halka Amber Rudd ay noqoneyso xog-hayaha arrimaha gudaha.

Theresa May, who is due to take over as prime minister, arrives for a cabinet meeting at number 10 Downing Street Reuters
Theresa May, who is due to take over as prime minister, arrives for a cabinet meeting at number 10 Downing Street Reuters

Ra’iisul wasaare May ayaa samaysay Wasaarad cusub oo shaqadeedu tahay hannaanka ay Britain uga bixi lahayd Midowga Yurub, waxaana wasiir ka ah David Davis.

 

Michael Fallon ayaa loo daayay xilkiisii xog-hayaha difaaca, halka Liam Fox loo dhiibay wasaarad cusub oo ku shaqa leh ganacsiga caalamiga ah.

 

Markii ay gaartay Aqalka Downing Street ee  London, ayaa Mrs May waxa ay wacad ku martay in ay hogaamineyso dowlad u shaqaysa dadka oo dhan.

 

Dadka ka faalooda Arrimaha Siyaasadda Britain ayaa talaabadan ay qaatay RW cusub u arkaya in ay tahay mid ay ku mideysneyso dhinacyada kala duwan ee siyaasada reer Britain ee markii horeba ku kala aragti duwanaa arintan ku saabsan ka bixitaanka Midowga Yurub oo keentay in Devid Cameron shaqada isaga tago.

 

Waxay ka hadashay baahida loo qabo in uu midoobo xisbiga Conservative-ka ka dib aftidii uu dalkaasi u qaaday Midowga Yurub. Iyadoo ugu dambeynna xustay inay Dadka Britain ugu Adeegi doonto si ay ku jirto Cadaalad iyo Sinnaan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here