Rabshado Maanta ka dhacay Gobolka Sanaag oo ay ku dhaawacmeen Siddeed Ruux

0
906

Ceerigaabo, (HargeisaPress) β€”Β  Wararka naga soo gaadhaya magaalada ceerigaabo ee Gobolka sanaag, Ilaa sideed qof ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhacay magaalada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag, kaddib markii ciidanka amniga iyo dad careysan iska hor imaad ku dhexmaray.

 

Sida wararku sheegayaan rabshadahan ayaa ka bilaabmay, kaddib markii ciidanka boolisku dooneen inay soo qabtaan sarkaal ciidanka booliska ka tirsan oo eedeemo loo haysta, hase yeeshee waxa arrintaasi ka hor yimid dadweyne taageersan sarkaalkaas taasina ay keentay in rasaas ay ciidanku rideen ku dhacdo illaa sideed qof oo shacab ah.

 

Agaasimaha guud ee cisbitaalka Ceerigaabo Dr. Siciid Xasan ayaa ka warbixiyay tirada dadka dhaawaca ah ee la soo gaadhsiiyay cusbitaalka, waxaanu yidhi β€œCusbitaalka waxaa la soo gaadhsiiyay todoba qof oo dhaawac ah, kuwaasi oo dhaawacyadoodu qaarna sahlan yihiin, qaarna ay culis yihiin.

Hadda hawshoodi waanu dhamaynay, waadhadhka ayaanay yaalaan, waana lix nin iyo hal qof oo dumar ah, qofka ugu yarina waa ilaa labaatan jir.”

 

Dhinaca kale, Askarigan oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Cadib oo shalay magaaladda Ceerigaabo saxaafadda kula hadlay kadib markii ay rebshadahaasi dhaceen, waxa uu ku dooday in si sharci darro ah loo soo weeraray, islamarkaana uu is-difaacay. β€œWaxaan ahay sarkaal Boolisa, waxaanay ciidanka boolisku igu soo weerareen oo ay igu soo hujuumeen gurigaygii, sabab ay iigu yimaadeena ilaa hadda ma garan karayo. mar ma aha, oo laba ma aha, waana markii saddexaad imika oo sidan oo kale ay ii soo weeraraan” ayuu yidhi Axmed Cadib.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi β€œDadkan gadoodayna waxay ka gadoodeen maatada iyo caruurta gurigooda lagu soo weeraray, balaayo ma rabno, waxaana waxaa sabab u ah taliyaha qaybta ee ciidanka booliska magaalada Ceerigaabo oo aan booliska waxba ka aqoonin. Waana tallaabo la doonaayo in ummada lagu majaro-habaabiyo.”

 

Si kstaba ha ahaatee ciidamadda booliska magaaladda Ceerigaabo ayaa ku guul-daraystay in ay qabtaan ninkaasi, iyadoo ay ciidamadda boolisku iska-caabin xoog leh iyo rasaas lagu soo riday ay kala kulmeen askarigan iyo koox hubaysan oo halkaasi kula sugnaa.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here