Qorshaha Gollaha Ammaanka ee Soomaaliya iyo arrimaha ku gedaaman

0
597

New York (Hargeisa Press)- Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kulan xaasaasi ah oo loo balamay gelinkii dambe ee maanta kaga shirayay xaaladaha Soomaaliya, waxana kulankaas hadal ka jeedinayay ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.Sidoo kale mas’uuliyiin kale.

Shirka, ayaa ka dhacayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York  5:00 galabnimo ee maanta xilliga Afrikada Bari, waxa ajandaha qodobada ugu waaweyn ay la xidhiidhaan arrimaha Amniga iyo qorshaha Qaramada Midoobay ee ku waajahan sidii Somalia loogu sii wadi lahaa jidka loo Qorsheeyay, maadaamada qaramada masuul ka tahay ilaa inta uu dal burburay iyo qaran ay meesha ka baxday qaranimadiisii iyo dawladnimadiisii sida Soomaaliya uu lugihiisa isku taagayo, taas oo ay waajibinayso qawaaniinta qaramada Midoobay in masuuliyadda koowaad ee soo celinta Qaranka burburay iyo dib-u-dhiskiisa ay Masuul ka tahay si loo soo celiyo xasiloonida iyo kala danbaynta.

Soomaaliya waxa nidaam dawladeed oo aan awood baddan lahayn, kaas oo xilligan uu Hoggaaniyo Madaxweyme Xasan Sheekh Maxamuud. Laakiin dawladnimada Soomaaliya ayaa weli ah mid Qaramada Midoobay gacanta ku hayso jaan-goynta siyaasadda ilaa ay Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo ay la wareegto maamulka Xukuumad si toos ah ay Bulshadu usoo doorteen oo ku timaada doorashooyin hal qof iyo hal cod (One person one vote), iyadoo gaadhsiinta jidkaa maamulka xilliga ee Xasan Sheekh laga sugayo qabya-tirka qorshaha Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamka ee Road Map laga rabo wixii ka dhiman inay fududayso Xukuumadda xilligan jirta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa May 14, 2024, u magcaabay James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqdo ku simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

James Swan, ayaa ka mid noqon doona dadka warbixinta ka jeedin doona. Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniinta, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay uu ku qaabilayay Muqdisho Safiiro ay dhawr dal soo magcaabeen, waxaana lagu baahiyay Warbaahinta Xafiiska UNSOM, isagoo Calanka Soomaaliya iyo calanka dalka Safiirka uu qaabilay labada dhinac ka yaaliin, sida Madaxweynayaashu marka ay dalalkooda ku qaabilaan safiir dal kale usoo magcaabay, taas oo ahayd mid si dhabt ah ugu muujinay in baddan oo Bulshada Soomaalida ah James Swan iyo awoodda xafiiska iyo xilalka uu hayo.

Dublamaasiga Mr. Swan oo si ku meel gaadh ah loogu magcaabay  Ergeyga Gaarka ah kaddib markii ay xilkaa banaysay dhowaan haweenay  lagu  magcaabo Catriona Laing oo u dhalatay Boqortooyada Ingiriiska.

Mr. Swan, ayaa ah dublamaasi waayo arag ah oo muddo dheer ku soo dhex jiray siyaasadda dalalka Afrikaanka ah, kuwaas oo waajahayay  isbedello siyaasadeed oo adag.

Swan, ayaa muddadaa ka hor ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM ee 2019 ilaa 2022,  isagoo xilligaa ka hor,  Dowladda Maraykanka kasoo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo 2013 ilaa 2016, Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya 2011kii ilaa 2013, iyo Safiirka Djibouti u fadhiya 2008 ilaa 2011.

Shaqadiisii ​​hore, Mr. Swan waxa uu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Afrika ee 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2006. Sidoo kale, Mr. Swan. ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Waxa xusid muddan in Sir. Nicholas Kay, oo  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon u magcaabay Ergayga  khaaska ah ee Soomaliya, 2013, uu beddelay wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, kaas oo shaqadiisu dhamaatay bisha Juun ee 2013,  laakiin wixii ka danbeeyay Augustine Mahiga, waxa si weyn loo beddelay xafiiskaa oo noqday UNSOM, kaas oo awood dheeraad ah oo siyaasadeed la siiyay, isla markaana dar-dar cusub oo Soomaaliya ku waajahan lasoo baxay, iyadoo ugu yaraan shan dublamaasi oo  kala danveeyay oo u dhashay Britain loo soo magcaabay.

Sir. Nicholas Kay oo ah Dublamaasi sare oo u dhashay dalka Britain waxa uu bedelay wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, oo shaqadiisu dhamamatay Juun ee 2013, wuxuuna Nicholas Kay markii u horaysay booqasho ku yimi Somaliland 13 June 2013, balse waxa booqashadiisa u horaysay sababtay in xukuumadda Somaliland ee xilligaa Axmed Siilaanyo ka mamnuucdo dalka Somaliland, kaddib markii ay u aragtay qorshaha istiraatiijiyadeed iyo siyaasadda uu xanbaarsanaa aannay ahayn mid waafaqsan jiritaankeeda iyo qaranimadeeda.

Nicholas Keym waxaa Somaliland laga mamnuucay 13 June, Kaddib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland oo ay isku fahmiwaayeen xukuumadda Somaliland xafiiska qaramada Midbooy ee Siyaasadda oo uu doonayay in laga furo Hargeysa, iyadoo xilligan xafiiska UNSOM si toos ah uga shaqeeyo Somaliland, kaas oo hoostaga xafiiska Muqdisho.

Michael Keating oo ka mid ahaa dhawr Dublamaasi oo dhawr iyo tobankii  sannadood ee u danbeeyay hagayay qorshaha Siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee ku waajahan Soomaaliya, wuxuu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana ah Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), mudadii u dhaxaysay anuary 2016 until September 2018.

Michael Keating: Waxaa hubaal ah in ay jirto. Qaar ka mid ah isbeddellada hoose ee Soomaaliya oo runtii ah kuwo aad u wanaagsan marka la cabbiro dhismaha dowlad goboleedyada: waxaan hadda leennahay qaab-dhismeed dowlad-goboleed oo weli aad u dhow marka la sameeyo dowlad-goboleedyo xubin ka ah federaalka, inkastoo ay jiraan dhibaatooyin xagga xidhiidhka ah. ”ayuu yidhi, isagoo warbixintiisa u dhigaya sida hoggaamiye ka warbixinaya dalkiisa oo xaallada Soomaaliya oo kale ku jira.

“Waxa ina soo maray doorashooyin 18 bilood ka hor, kuwaas oo aan dhammays tirnayn,  balse natiijadii sharciga ahayd soo baxday. Waxaan leenahay saaxiibo caalami ah oo bixiya heerarka taageerada miisaaniyadeed ee kordhay. Bangiga Adduunka ayaa hadda saxeexay deeq ka-hortagga deynta, waxay ku socotaa dariiqa deyn cafinta. Midowga Yurub iyo dalal gaar ah ayaa sidoo kale maalgashanaya dalka, ayuu raaciyay.

Dublamaasiga u dhashay Britain ee ahaa Wakiilka khaaska ah ee Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoodbay, isla markaana ah Ergayga khaaska ah ee Qaramada Mioodbay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa tilmaamay in mudadda sannadaha ahaa ee uu Soomaaliya joogay fahmay arrin  qoto dheer, taas oo ah, sidee siyaasadda Soomaaliya loo dejin karaa sal xasiloon, dib u eegista dastuurkana, si uun baa loo gaadhi karaa, balse waqti ayay qaadanaysaa.’ ayuu yidhi.

Hase yeeshee, isagoo Michael Keating, saadaalinaya mustaqbalka innay Soomaaliya qaranimo iyo dawladnimadeeda cageheeda ku taagan la imanayso, wuxuu saadaashiisa ku yidhi, “Waxaan filayaa inay qaadan doonto toban sano ama xitaa jiil in ay taasi si buuxda u dhacdo, laakiin waa ujeedo aad muhiim u ah in maskaxda lagu hayo.”

Doorka AMISOM  ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxa uu xusay inuu ahaa mid aad muhiim u ah horumarinta hannaanka siyaasadda iyo ilaalinta saaxadda siyaasadda, laakiin hore u socoshada waa in loo habeeyaa si ay u suurtagasho in Soomaalidu ay qaadato mas’uuliyaddaas, si la mid ah taageerada beesha caalamka inteeda kale  ha ahaato UN , ama US, ama dariska.’ ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee James Swan warbixintiisa maalinta Isniinta ee Gollaha Amaanka ayaa noqon doonta mid lagaga go’aan qaato xaalladda siyaasadda Soomaaliya iyo duruufaha ku xeeran xilligan, taas oo suurtagal ka dhigay in golluhu soo saaro qaraar ku waajahan Soomaaliya oo khasab ka dhigaya innay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisu u hoggaansamaan, waxaana qaraarku noqon doonaa mid culayska lagu saaro amma ahmiyad gaar ah siiya arrimaha amniga, dib-u heshiisiinta, maamulada, hirgelinta nidaamka Federaalka ,dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ee la doonayo  innay Soomaaliya ka dhacaan ee xafiiska Qaramada Midoodbay ee UNSOM, masuulka uga yahay beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay inuu ku ilaaliyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here