Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta si rasmi u qarameysay Dufcadii Sadexaad ee ka tirsanaa Ciidamada Madaniga ah iyo Gadiidkoodii dagaalka.
Munaasabad ballaadhan oo lagu qaramaynaayey qaybtii sadexaad ee Ciidanka Madaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka, ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Waxaana munaasibada qarameynta Ciidamada Madaniga ah ka qayb galay, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi, Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland, Wasiiro, Madax-dhaqameed iyo Maamulka Gobolka Sanaag.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibada lagu qarameynayay Ciidamada, ayaa soo dhaweeyey in la qarameeyey Ciidamada.
Waxaana uu sheegay in weli ay Ceerigaabo taalo gogoshii nabadeed ee ay hore ugu baaqay Xukuumadda WADDAJIR IYO WAX- QABAD.
Ciidamadan Madaniga ah ee la qarameeyey, ayaa waxaa ay si rasmi ah uga mid noqonayaan Ciidamada Qaranka Somaliland.
Hoos ka daawo muuqaalka