Itoobiya iyo Jabuuti oo kordhinaya xidhiidhkooda dhaqaalaha, ganacsiga iyo adeegyada dekeddaha

0
1661

Djibouti (Hargeisa Press)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya, Taaye Askasilaase, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku gaadhay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti, waxaa uu kulamo la qaatay dhigiisa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Labada dhinac, ayaa wadahadal ay yeesheen, waxaa ay diirada ku saareen sii xoojinta xidhiidhka labada dal iyo ka wadashaqeynta sidii wax looga qaban lahaa arrimaha muhiimka ah ee gobolka.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa danaha labada dhinac ee dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo waliba fududaynta adeegyada dekedaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here