Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay saaka dil qisaas ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal ka gaysteen.
Qisaasta dilka toogashada ah ee lagu fuliyay labada gacan ku dhiigle, ayaa waxaa ay saaka ka dhacday duleedka Xabsiga Mandheere ee gobolka Saaxil.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maalintii shalay ahayd uu uu saxeexay raga la toogtay dilkooda.
Labada nin ee qisaasta lagu fuliyay, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Ex. Bol. Maxamuud Cali Nuur oo loo qisaasay Marxuum Ex. Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa Taliyihii SasaldiggBooliska Degmada Maxamed Mooge, isaga oo dilka u adeegsaday toori.
Sidoo kale, gacan ku dhiiglaha labaad oo lagu magacaabo Saalax Isaaq Muxumed, ayaa loo qisaasay dil uu u gaystay marxuum Ex.Ask.Pol A.le Buux Mawliid Ismaaciil oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley.
Ehellada marxuuminta, ayaa soo dhaweeyay qisaasta lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha, maadaama ay cadaaladda marisay xukuumadda Somaliland.
Somaliland, ayaa waxaa sidan oo kale dil toogasho ah ugu fulisay dambiileyaal kala duwan oo dilal ka gaystay dalka.