Qof qaba cudurka Furuqa Daanyeerka oo lagu arkay Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
1064

Jigjiga (Hargeisa Press)- Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ku dhawaaqday in qof lagu arkay astaamaha cudurka Furuqa Daanyeerka la karantiilay, kiiskan ayaa lagu shaaciyey warbixin uu soo saaray xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka.

Xanuunkaas oo loo yaqaano Monkeypox, ayaa noqday xaalad caafimaad oo caalami ah, waxaana la karaantiilay qofkii lagu arkay dhulka dowlad deegaanka, kadib markii jidhkiisa ay ka soo baxeen nabaro waaweyn.

Xafiiska caafimaadka dowlad deegaanka, ayaa warbixintiisa ku sheegay inay wadaan baadhitaan dheeraad ah, si loo ogaado in dad kale oo ku sugan deegaanka ay qaadeen xanuunkaas.

Ku-xigeenka xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida, Maxamed Ayaanle, ayaa sheegay in dheecaanno laga qaaday qofka lagu arkay xanuunka, loo diray machadka caafimaadka dadweynaha ee dowladda federaalka Itoobiya, si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka qofka lagu arkay calaamadaha xanuunkan nabarada badan, ayaa laga helay degmada Qabri-bayax ee dhulka dowlad deegaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska caafimaadka ee dowlad deegaanka, ayaa lagu yidhi “Xirfadlayaasha caafimaadka ee la geeyay degmada Qabri-Bayax ayaa ku dhawaaqay in lix qof oo isku qoys ah ay soo sheegeen calaamadaha furuqa laba toddobaad ka hor”.

Bayaanka, ayaa sidoo kale lagu xusay in shaqsiyaadka laba toddobaad ka hor lahaa calaamadaha ay “ka soo kabteen” cudurka.

Xafiisku wuxuu sheegay in calaamad noocan oo kale ah lagu arkay laba qof oo kala ah Aabe iyo Wiil, Waxa uu xusay in xaaladda labada qof ay soo hagaageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here