Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddiga waxbarashada qaranka ee Somaliland oo ay weheliyaan Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, ayaa kulan la yeeshay xeel-dheereyaasha gacanta ku haya dib-u-eegista iyo tayaynta manhajka Somaliland.
Intii kulanku socday waxay Waaxda Manaahijta iyo La-taliyayaasha farsamo warbixin ka siiyeen xubnaha Guddiga iyo Madaxda wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay ilaa intii ay gacanta ku hayeen dib-u-eegista manhajka.
Waxaanay xuseen in ay qabteen dhawr kulan la-tashi bulsho (Consultation meetings) oo magaalooyin kala duwan ee Somaliland ka qabsoomay.
Guddiga waxbarashada qaranka Somaliland, ayaa Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaana xafiiska Manaahijta ku bogaadisay dibu-eegista manhajka ee ay waddaan.
Iyadoo intii kulanku socday ay guddigu wixii ay talo haysay kula wadaagtay wasaaradda Waxbarashada.
Waxaana ugu danbayn la isla qaatay qodobadan:-
1. In la sii wado dib-u-eegista manhajka, iyadoo laga duulayo maabaa’diida guud iyo himilooyinka waxbarashadda qaranka ee ku qeexan dastuurka Somaliland, Xeerka Waxbarashada Qaranka, Siyaasada Waxbarashada iyo Hiraalka Waxbarashadda ee 2030.
2. In dib-u-eegista manhajka looga shidaal qaato soo saarista muwaadin Togan.
3. In 3 xubnood oo Guddida Waxbarashada Qaranka ka tirsani ay majaraha u qabtaan tayaynta manhajka.