“Qarni in ku dhaw dalkeenna shidaalka waa la baadhayay waa ILLAAHAY mahadii …”

0
378

Hargeisa (HP): Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goolayaasha iyo Dastuurka JSL ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ceelkii shidaal ee u horeeyay laga bilbaabay Somaliland.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu daah-furayay bilawga qodista ceelkaasi, oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu sheegay wasiir Maxamed Xaaji Aadan, in muddo qarniyo la hadal hayay in shidaal ku jiro dhulkeenna.

Hase yeeshee wasiirku waxa uu soo dhaweeyay shaacinta in ceel shidaal qodistiisa laga bilaabay deegaanka Xood ee gobolka Tog-dheer.

Talaabadaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay mid horumar u noqonaysa wadankeenna, isla markaana isbedel weyn oo dhaqaale abuuri doonta.

DAAWO: Khudbada W. Dastuurka ee daah-furka Ceelka shidaalka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here