Qareenno ka hadlay Abwaanno ku xidhan Hargeysa, Sharciyadda lagu xidhay iyo Tacaddiga Booliska

0
1146

Hargeysa, (HargeisaPress) —Qareennada Somaliland Garyaqaanno ka tirsan, ayaa ka hadlay xadhigga Abwaan Cabdiraxmaan Abees Booliska Somaliland kula kacay oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal-marsan, isla markaana tacaddiyo iyo cabbudhin ah. Waxay caddeeyeen Qareennadu in booqashada, dawada iyo qareennada difaacayaa inay la kulmaanba loo diiday Abwaanka.

Waxay Qareennada oo ay xubno ka yihiin Maxamuud Cabdiraxmaan iyo Guuleed Axmed Jaamac (Daafac) iyo Garyaqaanno kale, cambaareeyeen xadhigga Abwaan Abees iyo Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo isna Hargeysa ku xidhan muddo laba toddobaad ku dhaw.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayaa ku xidhan xarunta ciidanka dembi-baadhista ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa, ayaa la xidhay Sabtidii dorraad, ka dib markii uu habeennimadii jimcaha soo bandhigay Suugaan uu ku jiro Gabay uu ka tiriyey tacaddiyada ka dhaca saldhigyada booliska Somaliland.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here