Qaraxyo waaweyn oo ruxay caasimadda Lubnaan

0
552

Beyruut (Hargeisa Press)- Qaraxyo waaweyn, ayaa ruxay caasimadda Lubnaan, taasoo calaamad u ah “habeenkii ugu rabshadaha badnaa” ee weerarrada tan iyo markii Israa’iil ay ballaadhisay duullaanka milateri ee ka dhanka ah Lubnaan 23-kii Sebtember.

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil, ayaa in ka badan 30 weerar oo dhinaca cirka ah oo habeenimo ah ku qaaday duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut, iyada oo kubad aad u weyn oo dab ah ay shidday hawada habeenkii, qiiquna uu kor u kacay subaxnimadii Axadda maanta.

Ka dib dagaal ba’an oo sannado qaatay oo Gaza ka socday, Israa’iil waxay hadda u weecday jihada waqooyi ee Xisbullah, kooxda fadhigeedu yahay Lubnaan ee isbahaysiga la ah kooxda Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza, Xamaas.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan, ayaa sheegtay in kooxda Xisbullah ee ku taal koonfurta Beyruut lagu garaacay in ka badan 30 weerar, kuwaas oo laga maqlay guud ahaan magaalada. Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah kaalin shidaal iyo hotel ku dhow garoonka caalamiga ah ee Rafic Hariri ee magaalada.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo tirada dadka ku dhintay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil.

Milateriga Israa’iil, ayaa sheegay in ay “weeraro xidhiidh ah ku qaadeen dhowr xarumood oo lagu keydiyo hubka” iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyagoo carrabka ku adkeeyay “tallaabooyin badan ayaa la qaaday si loo yareeyo khatarta waxyeellada rayidka ah”.

‘Gaza kale’

Weriyaha Aljazeera Ali Hashem, oo ka soo waramaya Beyruut, ayaa sheegay in magaaladu ay la kulantay heer ka duwan “xoog, xawli iyo culeys” qaraxyo, iyadoo weeraradu ay ku sugnaayeen meel u dhow garoonka diyaaradaha.

“Maalinba maalinta ka dambeysa, heerka xoojinta duqeyntu waa mid kor u kacaysa. Waxa ay noqonaysaa Qaza kale oo la mid ah sida weerarrada Israa’iil ay u garaacayaan,” ayuu yidhi.

Qaraxyo kale oo waaweyn, ayaa sidoo kale la arkay subaxnimadii Axadda maanta, sida uu sheegay wariyaha Aljazeera.

Hashem, ayaa sheegay in kumannaan qof oo deegaanka ah ay weli ku sii qulqulayaan bartamaha magaalada Beyruut iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadaan duqeymaha ka dhacaya xaafadaha koonfurta.

“Waxaa jira dad aad u badan oo gabaad ku ah waddooyinka, kumanaan iyaga ka mid ah, xeebta, jardiinooyinka iyo tobanaan kun oo iskuul ah,” ayuu raaciyay. “Dowladda [Lubnaan] ma awoodo inay wax ka qabato xaaladdan.”

Weerarada habeen hore, ayaa yimid saacado kadib markii ilo dhanka amaanka ah oo Lubnaan ka tirsan ay Aljazeera u sheegeen in Xisbullah uu lumiyay xidhiidhka uu la lahaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasheeda sare Hashem Safieddine, kaas oo loo arkayay in uu yahay badalka hoggaamiyihii la dilay ee Xasan Nasrallah.

Safieddine, oo ah guddoomiyaha golaha fulinta ee Xisbullah, ayaa sidoo kale ilmo adeer la ah Nasrallah, kaas oo lagu dilay weerar xooggan oo Israa’iil ay ka geysatay Beirut 27-kii Sebtember.

Hezbollah ayaan ilaa hadda ka hadlin Safieddine.

Hase yeeshee iyaga oo ka jawaabaya weeraradii ugu dambeeyay, kooxda hubaysan ee Lubnaan ayaa qaaday weeraro aargoosi ah, iyagoo saddex xabo oo gantaallo ah ku riday askarta Israa’iil ee ku sugan magaalada Manara ee waqooyiga Israa’iil.

Kooxda, ayaa sidoo kale sheegtay weeraro ay ku qaadeen ciidamada Israa’iil oo isku dayay in ay gudaha u galaan dalka Lubnaan iyaga oo soo maray Khallet Shucayb oo ka tirsan deegaanka Blida, taasi oo keentay in ciidamada Israa’iil ay dib u gurtaan.

Maamulka Israa’iil, ayaa Sabtidii sheegay in ugu yaraan sagaal askari oo Israa’iiliyiin ah lagu dilay koonfurta Lubnaan, iyadoo ay sii ballaadhinayso hawlgallada ay ka waddo dalkaasi.

Sabtidii, ayay ahayd markii ugu horreysay oo ay duqaymo ka fulisay magaalada Tripoli ee woqooyiga Lubnaan, halkaas oo ay ku dishay Siciid Attallah Ali, oo ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan garabka hubaysan ee Xamaas ee Qassam Brigades, oo ay weheliyaan xaaskiisa iyo labadooda gabdhood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here