Muqdisho (Hargeisa Press) – Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay Xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya oo la og yahay in marxalad adag ay ku shaqeeyaan hawl-wadeennada warbaahinta ka shaqaysa Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay ay xoojinayso doorka fir-fircoon ee hawl-wadeennada warbaahinta Soomaaliya ka ciyaaraan bulshada Soomaaliya dhexdeeda Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, iyadoo xustay in loo baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.
“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ay weli wajahayaan halis jidh ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii March ee sannadkii hore.
“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jidh ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii March ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, laba kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xidhay iyagoo ku guda jira shaqadooda.” ayaa lagu yidhi qoraalka Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqday Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii, iyadoo 3-da March loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.