Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Duqeymaha Israa’iil ee Marinka Gaza

0
1042

Nairobi,(HargeisaPress) — Madaxa xuquuq-insaanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Navi Pillay ayaa ku tilmaamtay duqaymaha Israel ee marinka Gaza danbiyo dagaal, iyadoo maalinkii 16-aad ay weerarro isdab-joog ahi ku socdaan dhulka Falastiin.

Waxaa kaloo ay canbaaraysay gantaalada kooxda Falastiiniyiint ah ee Xammaas ay u isticmaalaan dagaalka ay kaga soo horjeedaan Israa’iil, waxaana ay ku baaqday in xal deg deg ah laga gaaro dagaalladan oo khasaarooyin badan gaystay ilaa iyo hadda.

“Tani waxa ay u muuqataa in ay xad-gudub ku tahay xeerarka caalamiga ah ,waana hubaal in ay danbiyo dagaal yihiin “ayey tidhi Pilly oo Israel ku dhaliishay xasuuqa loo gaystay kumanaan Falastiiniyiiin ah oo caru-ur u badan.

Israel ayaa duqaymo ku dishay dad lagu qiyaasay 648-ruux ,iyadoo ciidamada Yuhuudana laga dilay 31-ruux oo 29 kamid ah ay yihiin ciidamada u dagaalamaya,waxaan Pilly ay ku sheegtay duqaymaha Israel ee Gaza kuwa xad-gudub ah.

 

Wasiirka arimaha dibadda Falastin Riad Malki ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in Israel ay masuul ka tahay dhimashada kumanaan ruux oon waxba galabsan halka wakiilka Yuhuud ee UN-ka na uu sheegay in dowladdooda ay ku dadaalayso dhimidda dhimaashada dadka Falastiniyiinta ah.

Ugu danbayntii xog-hayaha arimaha dibadaa Maraykanka John Kerry ayaa lagu wadaa in uu yimaado caasimadda Telaabiib si looga wada hadlo suurta-galnimada xal ka dhex dhasha dagaaladan u dhaxeeya labada dhinac.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here