WAR DEG-DEG AH: Fanaanadii Saado Cali Warsame oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

0
1230

saado cali war sameMuqdisho,(HargeisaPress) — Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay dhabarka dambe ee hoteelka ay deggenayd ee Ambassador oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo darawalkeediina, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.
“Kooxo hubeysan oo gaadhi watay ayaa isku hor-gooyay gaadhi ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo darawalkeedii ku waday gaariga,” ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata agagaarka hoteelka Ambassador oo la hadashay Saxaafada .
Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadda, waxaana tn iyo sannadkii 2012 ka mid ahay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.
Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaannada, iyadoo la sheegay inay dileen xildhibaanada iyo darawalkeeda rag ku hubeysnaa qoryo culus oo ku sugayay meel ku dhow hoteelka ay deggenayd ee Muqdisho.
“Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhiabaanad Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yidhi sarkaal u hadlay Al-shabaab.
Xildhibaanad, Saado Cali Warsame ayaa ku noqonaysa afar xildhibaannadii sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho. sidoo kalena waxay laba ku noqonaysaa xildhibaannadii la dilay inta lagu jiray bishan barakeysan ee Ramadaan.
Wariye Mohamed Cabdilaahi
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here