Hargeysa, (HargeisaPress) — Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Mu.Cabdicasiis Maxamuud Xaashi Cago Weyne Isla Markaana Ah Ku Sii Simaha Maayarka Caasimada Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Shir Saaka Ugu Bilowdey Qaar Ka Mid Ah Maayarada Dalka Shirkaasi Oo Ku Saabsana Mashruuca Maamul Daadejinta Ee JPLG.
Waxaa Uu Sheegay Mayaar Ku Xigeenku In Mashruucan Ay Ka Soo Qeyb Galeen Dhamaanba Mayaarada Magaalooyinka Waa Weyn Somaliland Isla Markaana AY Ku Soo Bandhigeen Guulihii AY Gaadhen Intii Mashruucan Ay Wadeen Waxaana U Yidhi ““Maanta Waa Maalin Taariikhi Ah Waxaana Maanta Halkan Ka Bilaabmey Shirkii JPLG Aniga Uu Ka Hadlaaya Afka Maayarka Maayarada Ama Ku Simaha Maayarka Maayarada Somaliland Halkana Ay Joogan Maayaradii Dalka Oo Dhan.
Waxaana Aanu Maanta Ka Hadleynaya Mashruucii Maamul Daadajinta Ee (JBLG) Waana Horumar Weyn Oo La Taaban Karo Waana Mashruuci Weynaa Ee JPLG Ga Si Wacana Waa Uu Noogu Socdaa Ilaa Barina Waa Uu Noo Socon Doona Waaxana Aanu Halkan Ku Soo Bandhignay Hormarkii Aanu Sameynay Intii Aanu Mashruucan Ku Shaqeyneynay Waxaana Aan Rajeynayaa In Gulaas Aanu Gaadhney Qaar Ka Waa Weyn Aanu Gaadhi Doono “ Ayuu Yidhi Mayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamuud Xaashi Cago Weyne.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com