Putin oo Booqanaya Sacuudiga iyo Imaaraadka

0
450

Moscow (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa Arbacada booqan doona Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, Aqalka Kremlin-ka ayaa sidaas ku dhawaaqay, xilli Moscow ay raadineyso xulafo dibadda ah inkasta oo ay reer galbeedku u go’doomiyeen colaadda Ukraine darteed.

Putin, ayaa xaddiday safarrada caalamiga ah tan iyo markii uu ciidamo u diray Ukraine, islamarkaana Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xidhayo iyadoo ku eedeysay inuu mastaafuriyey carruur reer Ukraine ah.

“Madaxweyne Putin waxa uu berri safar shaqo ku tagi doonaa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov u sheegay wariyeyaasha Salaasada maanta.

Waxaa uu sheegay in hoggaamiyaha Ruushka uu kala hadli doono xidhiidhka labada dal, dagaalka Israel iyo Xamas iyo siyaasadda caalamiga ah.

Peskov wuxuu sheegay in Putin uu sidoo kale kala hadli doono suuqa saliidda inta lagu jiro booqashada, kadib markii Ruushka oo ka mid ah 10-ka dal ee saaxibka la ah OPEC uu sheegay inuu sii xoojin doono dhimista soo-saarka.

Imaaraadka Carabta, ayaa martigelinaya shirka cimilada COP28 ee Qaramada Midoobay, laakiin Kremlin-ka ma ayna caddeyn in Putin uu ka qeybgali doono wax dhacdo ah oo la xidhiidha iyo in kale.

Putin, ayaa seegay dhowr shirar oo heer sare ah oo dibadda ah tan iyo markii Moscow ay dagaal ballaadhan ka billowday Ukraine bishii February 2022.

Putin, ayaa ka baaqsaday shirkii BRICS ee Koonfur Afrika bishii hore si uu uga fogaado “bandhig is-muujin”.

Waxa kale oo uu seegay shir madaxeedka G20 ee bishii September in kasta oo uu ka qayb galay kulan G20 ah bishii November u dhacay qaab fogaan arag ahaan ah.

Tan iyo bishii March, Putin waxaa si weyn u baadi goobeysay maxkamadda ICC, waxaana dalalka xubnaha ka ah la filayaa inay fuliyaan amarka soo xidhitaan haddii hoggaamiyaha Ruushka uu soo galo dalkooda.

Imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma saxeexin heshiiska aas-aaska Maxkamadda ICC, taasi oo la macno ah inaanay qasab ku aheyn inay xidhaan.

Putin, ayaa booqday Shiinaha bishii October, taasi oo aheyd booqashadii ugu horreysay ee uu sanadkan ku tago meel ka baxsan Midowgii Soviet ee hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here