Oomaar Company Oo Ka Qayb Qaadatay Ololaha Nadiifinta Dooxa Hargaysa

0
600

Hargeisa (HP): Shirkadda ganacsiga ee Oomaar International Company ayaa maanta si weyn uga qayb qaadatay wejiga labaad ee ololaha nadiifinta dooxa magaaladda Hargaysa.

Waxaana ololahaasi nadaafadeed ka qayb galay shaqaalaha shirkadda Oomaar ee ka hawl galla xafiisyadeed magaaladda Hargaysa.

Kuwaasoo ku qalabaysnaa agabka wax lagu nadiifiyo, isla markaana si weyn uga qayb qaatay ololahaasi nadiifinta dooxa Hargaysa.

Shaqaalaha shirkadda Oomaar Company ayaa sidan oo kale hore uga qayb qaatay bilawgii ama wejigii koowaad ee ololaha nadiifinta dooxa Hargaysa, ololahaasi oo la bilaabay Khamiistii todobaadkii hore.

Ololihii saaka ee ka nadiifinta qashinka qaahinka ee dooxa Hargaysa ayay si aad ah uga dhex muuqdeen shaqaalaha iyo masuuliyiinta shirkadda Oomaar.

Waxaana shaqaalaha ka socday shirkadda Oomaar ee ka qayb galay ololaha nadiifinta qashinka ee dooxa Hargaysa C/qani Cismaan Maxamed, iyo Axmed Nuur, oo ka mida masuuliyiinta shirkadda Oomaar Company qaybteedda magaaladda Hargaysa.

Geesta kale maayarka caasimadda Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, ayaa shirkadda Oomaar iyo shaqaalaheedaba ku bogaadiyay sida weyn ee ay uga soo qayb qaateen wejiga labaad ee ololaha nadiifinta dooxa Hargaysa.

DAAWO: C/qani Cismaan iyo Axmed Nuur Oo Ka Hadlaya Sida ay Ololahaasi Shirkadoodu Uga Qayb Qaadatay:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here