Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo U Jeediyay Shacbiga Somaliland + SAWIRRO

0
881

Hargaysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo saaka Xilli hore khudbad ugu jeediyay Shacbiga Somaliland wajahada hore ee Qasriga Madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, Waxqabadka Xukumaddiisa, Arrimaha doorashada, Arrimaha Somalia iyo Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo arrimo kale.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbaddiisa ku sheegay in intii Xukumaddiisu jirtay ay yaraadeen Khilaafkii goleyaasha Sharci dejinta iyo Xukumadda “Intii Xukumaddani jirtay waxaa meesha ka baxay khilaafaadkii u dhexayn jiray Goleyaasha Dawladda, taasina waxay keentay in xeerar iyo shuruuc badan oo baahi loo qabay u soo baxaan dalka” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

????????????????????????????????????

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashada “Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro waxaanu hagranay aniga iyo Maamulkaygu toona. Kuma faraxsani in doorashadu dib u dhacdo, mana jecli hore iyo hadda toona turun turooyinka ku yimaada hanaanka dimuqraadiyadda.waxase dhici kara in marka aad hawl adag ku jirto ay soo baxaan duruufo wax ka bedeli kara hawshii aad qoondaysatay.arrimaha doorashooyinku waa masuuliyad wadareed oo ay wadaagaan dhinacyo badan, canaanta dib u dhacu waa mid la wada leeyahay, waxaynu nahay qaran leh Shuruuc, haddaba marka xaaladdan oo kale timaado Distoorka qaranka ayaa hagaya jidka loo marayo, Komishanka doorashadu wuxuu ii soo gudbiyay Go’aan ah inaan doorashadu wakhtigeeda ku qabsoomi karrin, aniguna waxaan u gudbiyay Golaha guurtida oo leh Awooda qiimaynta xaaladdahaas, mana jirto wax faro galin ah oo aan ku lahaa go’aanka ka soo baxay guurtida” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu u mahadceliyay Mucaaradka oo aqbalay wada hadal laga yeesho Muranka arrimaha siyaasadda ee muddo kordhinta ka dhashay.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ugu baaqay Mucaaradka samir iyo dulqaad “Ragga uu hungurigu ka hayo dalkan, waxaan leeyahay waar damaciinna ku dara tudhaale iyo lexejeclo oo waa la doogiye yaan la dacaroon” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu walaaca beesha Caalamka ee dib u dhaca doorashada ku tilmaamay arrin ku timid warar aan xaqiiq ku salaysnayn oo loo gudbiyay wakiiladooda Somaliland iyo Somalia qaabilsan “Qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka waxaa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqda ka fog, kaas oo keenay inay walwal ka muujiyaan dib u dhaca yimid, Saaxiibadayo waxaan xasuusinayaa inaanu nahay qaran waayo aragnimo weyn u leh xakamaynta iyo xal u helista khilaafyada Siyaasiga ah.

 

????????????????????????????????????

Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu ka hadlay doorka caalamka ee dhexdhexaadinta Somaliland iyo Somalia “Waxaa xusid mudan inaanu beesha caalamka ka codsanay inay na dhexdhexaadiyaan anaga iyo walaalahayo Somalia, hase ahaatee wali wax jawaab ah oo wax ku ool ah kamaanu helin, haddaba waxaa isku kaayo qaban la sida dawladdaha qaar ugu degdegayaan arrimaha gudahayaga ah ee aanu ku filannahay iyo sida ay uga warwareegayaan ee ay isku diidsiinayaan  dhexdhexaadinta ismari waaga ka dhex aloosan Somaliland iyo Somalia”

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka digay Ciidanka Somalia samaysanayso ee lagu sheegay Ciidan qaran oo uu sheegay inay halis ku yihiin amaanka Somaliland “Si mandaqada geeska Africa u noqoto midi xassilloon oo shucuubteedu nabad kuwada noolaadaan, waxaa Xukumadda ka go’an inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay wadamada jaarka ah.waxaanu ognahay in maalmahan la wado hindise Ciidamo loogu dhisayo Somalia, kaas oo dalal caalamka ka tirsani ku garab siinayaan, Madaxda Somalia ayaa iyaguna ku celcelinaya in Ciidamadu soo celinayaan midnimadii Burburtay ee Somalia, haddaba waxaan ka digayaa in arrintani hurin karto colaado hor leh iyo xassillooni darro ku soo korodha geeska Africa, sidaas darteed waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in si qoto dheer looga fiirsado dhisidda ciidankaas iyo hubka lagu soo daldalayo Somalia, iyadoo aan Somaliland laga qaadin cuno qabatayntii la saaray wixii la isku odhan jiray Somalia republic” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Khudbadda Madaxweynaha oo dhamaystiran halkan kaga bogo

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Midawgii dhexmaray labadii dal ee Somaliland iyo Somalia 1960-kii, wuxuu burburay 18 may 1991-kii. Maanta waxaa laga joogaa 24 sanno oo gaw ah xiligii aynu dib ula soo noqonay xornimadeena. Ubadkii dhashay iyo kuwii ababay waqtigaa ayaa maanta arriminaya, taasi waxay muujinaysaa sida uu qarankani u taabba-galay una tisqaaday.

 

Maalintani waa mid ku weyn quluubta shacbiga Somaliland. Ma’aha mid ku timi dhayal iyo dheel-dheel, balse waxaa loo soo qubay dhiig badan oo waxaa u shahiiday kumanaan geesi (Allaheen naxariistii jano ha ka waraabiyo).

 

Madax bannaanida Somaliland waa go’aan ummadeed oo aan gorgortan lahayn.

 

 

Wax-qabadka Xukuumadda 2010-2015

 

Shan sanno ka hor markii aan talada dalka qabtay, waxan la wareegay khasnad madhan, deyn gaadhaysa 45 Million oo Dollar, 6500 oo shaqaale dawladeed ah oo aan 4 bilood mushaahar qaadan, ciidammo aan sarkaalkoodu iyo subeehigoodu aanay kala lahayn summad iyo sawrac toona, waxan la wareegay waddooyin burbursan iyo kaabayaal dhaqaale oo aan la daryeelin, waxan la wareegay dalka oo intiisa badan lagu isticmaalo lacagtii giimbaartii Somalia, waxan la wareegay Idaacadda Qaranka oo aan dhaafin 20 kilometer. Guud ahaanba waxan la wareegnay Qaran ku jiray duruuf qallafsan. Maantana shaki kuma jiro in aynu horumar muuqda oo la taaban karo ku tallaabsannay. Ka gayoon mayno haddii aynu mid mid u dul joogsanno oo ma soo koobi karno waxqabadkaa ballaadhan ee shantaa sannadood inoo suura galay. Haddiise aynu soo koobno, waxan jecelahay inaan dhawr qodob idiin taataabto ama aan xuso.

 

Adkaynta nabadgelyadu waa shay aasaasi ah, oo muhiimad weyn u leh Qarankan, annagoo ka duulayna taa, waxaanu xoogga saarnay dhismaha ciidammada kala duwan iyo hay’addaha amniga, tayo ahaan iyo tiro ahaanba. Waxaanu ku guuleysanay, 20 sanno ka dib in uu Ciidankeenu derajo kala yeesho. Ilaahay mahaddii, waxa maanta aynu leenahay ciidan la isku hallayn karo, oo caabiyi kara cadaw kasta oo ciiddeenna soo hungureeya.

 

Dhinaca kale, waxaanu dedaal weyn u galnay xoojinta midnimada ummadda, maamul fidinta Degaamada Bariga, oo dib-u-dhac ka jiray marka loo eego dalka intiisa kale. Waxaanu gaadhsiinay qaybo badan oo ka mid ah adeegyo bulsho, taasoo horseed u noqotay degenaansho iyo xasillooni. Waxaanu gogol nabadeed u fidinay cid kasta oo wax tabanaysay, waxay taasi suurtagalisay in masuuliiyiin waaweyn oo aynu kala aragti duwanayn, ay maanta ka mid yihiin madaxda Dalka. Waxaanan aaminsanahay in dedaalkaa nabadeed aynu halkaa ka sii wadno, si aynu u daweenno tabashooyinka, una gaadhno is afgarad buuxa.

Dhaqaalaha: waxaad ogtihiin in ay Xukuumaddani kor u qaaday Miisaaniyadda Dalka afar-laab intii ay ahayd markaan Xilka qabtay, iyadoo aanay jirin wax cashuura oo la kordhiyey. Waxa isbeddel weyni ku yimi noloshii shaqaalaha Iyo ciidamadda markii mushaharkooda iyo gunnadooda kor loo qaaday. Waxa la fuliyay mashaariic faro badan oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka muhiimka ah sida Waddada ugu dheer dalka ee Ceerigaabo oo meel wanaagsan maraysa, taasoo la ogyahay inay dadka qaar riyo la ahayd. Waddada Dila – Boorame oo qiimo weyn dalka ugu fadhida. Sidoo kale, waddada Kala-baydh – Wajaale iyo Berbera – Hargeysa oo iyana maanta aad ka war-haysaan hawsha laga qabtay.

 

Gobollada Bariga waxa laga beddeley lacagtii hore, haatanna laga isticmaalo Shilinka Somaliland. Madaarada dalka wax weyn ayaa laga qabtay, kuwaasoo maanta ay u dhammaystiran-yihiin ammaan ahaan iyo adeeg ahaanba wixii heer caalami looga baahnaa. Sidoo kale, Dekedda Berbera oo kaalin weyn kaga jira Dhaqaalaha dalka, ayaanu intii awooddeena ah wax ku kordhinay, waxaanuna dedaal weyn ugu jirnaa sidii ay u noqon lahayd Marso la tartanta Dekedaha Mandaqadda.

Dhammaan xarumaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda ayaa laga fuliyay dhismayaal casriya, oo beddeley dhismayaashi ay ku jireen, kuwaas oo intooda badan ahaa kuwii Ingiriiska laga dhaxlay 50-sanno ka hor, waxaanay haatan yihiin kuwo u qalma magaca ay xanbaarsan-yihiin iyo adeega bulshada loogu hayo. Waxaa la kordhiyey tirada shaqaalaha oo la gaadhsiiyey in ka badan 20,000. Waxaa kale oo suurto gashay inay dalka yimadaan oo ay hawl ka bilaaban shirkado caalamiya, sida kuwa shidaal baadhista iyo macdanaha. Dhinacyada kale ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, horumarinta dhalinyarada iyo qaybo kale oo badan ayaa horumar laga sameeyey.

 

Tayada waxbarashada ayaa kor loo qaaday, iyadoo ta aasaasiga ah laga dhigay bilaash, taas oo loogu danaynaayo danyarta iyo xaqa muwaadinka.

 

Biyaha oo ah baahida koowaad ee uu dalkeenu leeyahay, waxaanu siinay muhiimad weyn, waxaana la hirgaliyey qodista ceelal badan, oo lagu baahi baxay.

 

Waxaanu awoodnay inuu dalku yeesho Idaacad laga wada dhagaysan karo Waddanka gudihiisa iyo dibeddeiisaba. Waxa kale oo la sameeyey Idaacad u gaara Qur’aanka Kariimka ah.

 

Muddadii ay Xukuumadaydu jirtay waxa meesha ka baxay khilaafaadkii u dhaxayn jiray Golayaasha Dawladda, taasina waxay suurta-galisay inay soo baxaan shuruuc iyo xeerar badan oo baahi loo qabay.

 

Arrimaha Doorashooyinka

 

Waxaan xoog badan saaray in doorashooyinku ay ku dhacaan xilligii loo asteeyay, mana jiro wax aannu hakranay, haba yaraatee, aniga iyo maamul-kaygu toona. Kuma faraxsani in ay doorashooyinku wakhtigoodii dib uga dhaceen, mana jecli hadda iyo hore toona turun-turooyinka ku yimaadda nidaamka dimuqraadiyadda. Waxaase dhacda, in marka lagu jiro hawlo adag ay soo bixi karto duruufo wax ka beddeli kara qorshayaashii aad qoon-daysatay.

 

Hawlaha doorashooyinku waa masuuliyad wadareed oo ay wadaagan dhinacyo badan, canaanta dib-u-dhacana waa mid la wada leeyahay. Waxaynu nahay qaran leh shuruuc iyo xeerar haga. Haddaba, marka ay xaaladan oo kale timaado, dastuurka qaranka ayaa qeexaya jidka loo maraayo. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxaa ay iisoo gudbiyeen 20/April/2015 qoraal ay ku cadaynayaan in aanay doorashadii xiligeedii ku qaban karin. Aniga oo ka duulaya taladaa, waxaan u gudbiyay Golaha Guurtida oo u xil saaran, awood sharcina u leh qiimeeynta xaaladdan. Ma jiro wax faro-gelin ah oo aan ku lahaa go’aammada kasoo baxay Aqalka Guurtida, waana Hay’ad u madax bannaan xil gudashadeeda. Aniga oo ah Madaxweynihii Qaranka, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Mudanayaasha Golaha Wakiillada, maanu ahayn kuwa maanta iyagu arrintaas ka talinayay, ee waa na loo talinayay. Si kastaba ha ahaatee, waxaynu nahay dal iyo dawlad leh nidaam iyo kala dambayn. Muwaadiniin ahaan, waxaa inagu waajib ah in aynu u hogaansanno, isla markaana tixgelino shuruucda iyo xeerarka aynu dhiganay.

 

Aniga oo ah hogaamiyihii qarankan, si gaar ah waxaa i saaran ilaalinta iyo dhaqan-gelinta shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla.

 

Sidaa darteed, go’aanka Golaha Guurtidu waa mid dastuuri ah, waxaanu ku baaqnay kulan turxaan bixin ah, oo aanu isugu nimaadno saddexda xisbi qaran. Dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso (muxaafid iyo mucaarid), waxaan u soo jeedinayaa in aynu khilaafkeena ku dhamaysanno wada hadal, wada tashi iyo walaaltinimo. Waan soo dhawaynayaa, waanan uga mahadnaqayaa Madaxda Xisbiyada mucaaridku aqbalka ay kaga jawaabeen marti-qaadkaa. Waxaan ku kalsoonahay in aynu nahay bulsho bisil oo xaalad kasta oo ku timaadda kaga gudubta wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin, midnimo iyo wada jir. Haddaba, waxaan kula dardaarmayaa masuuliyiinta qaranka ee madashan isugu imanaya in ay mar walba danta guud ee qarankan ka hor mariyaan wax kasta, isla markaana ay maanka ku hayaan ilaalinta qarannimada, dhawrista shuruucda, adkaynta nabadgelyada iyo midnimada umadda ay matalaan.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Waaxan dhinacayga idiin cadaynayaa in aan ka door-bidayo masiirka iyo maslaxadda guud ee ummaddan wax kasta oo gaar ah.

 

Waxaan ahay Axmed-kii shalay 80-ka cod ee muranku ku jiro kaga tegay kursi madaxweynenimo, anigoo tixgelinaya maslaxadda dalka.

 

Xukun maroorsi iyo mansab jacayl layguma yaqaan, oo waxaan ahay hogaamiyihii ka badbaadiyay Somaliland laba shir beeleed 1996-kii oo lagu kala dooran lahaa madaxwayne, xilligaas oo ahaa mid aad u adag, Somalilandna intan ka jilicsanayd. Waxaan tudhaale awgeed u tanaasulayey aniga iyo xisbigayguba siddeed sannadood oo aanu mucaarid ahayn, waxaanan aqbalay saddex muddo kordhineed oo sanka isku haya.

 

Caado iyo curfi toona uma lihi in aan damac kursi-doon dalkayga u dumiyo. Xaasha, manta aniga oo cimrigaa joogana, la iiga biqi maayo in aan dibin daabyeeyo dalkan iyo dadkan dumadayda saaran.

 

Sabirka iyo dulqaadku ma’aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban.

 

Marlabaad, ragga uu hungurigu ka hayo in ay dalkan madax ka noqdaan, waxaan leeyahay: “waar damiicina ku dara tudhaale iyo lexo jeclo, oo waa la doogiye yaanla dacaroon”

 

Beesha Caalamka

 

Beesha caalamka waxan uga mahadnaqaynaa taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Somaliland, gaar ahaan gacanta ay ka gaystaan arrimaha doorashooyinka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyada. Somaliland waxay aaminsan-tahay in xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi xoogan ay la yeelato bulshada caalamka, kaas oo ku dhisan is qadarin iyo dano-wadaag. Qaar ka mida wakiillada dawladaha inaga taagera Doorashooyinka, waxaa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqada ka fog, kuwaas oo keenay in ay welwel ka muujiyaan dib-u-dhacaa yimid. Saaxibadayo, waxaan xasuusinaynaa in aannu ummad ahaan dhaqan iyo waayo aragnimo weyn u leenahay xakamaynta iyo xal-u-helidda khilaafyada siyaasiga ah. Waxaan shaki ku jirin in Somaliland hore ugu guulaysatay, kana soo gudubtay dhibaatooyin iyo marxalado ka culus dib-u-dhaca doorashada maanta taagan, iyada oo aan cidina soo faro-gelin.

Waxaan aaminsanahay in aannu turxaanta gudahayaga taal ku filannahay, iyadoo aannu sidii caadada noo ahayd, wada hadal iyo is af-garasho wanaagsan aannu ku dhamaysan doono.

 

Waxaa xusid mudan, in aannu beesha caalamka ka codsannay inay na dhex-galaan annaga iyo walaalahayo Somalia, hasa yeeshe, weli wax jawaab ah, oo wax ku ool ah kamaanu helin. Haddaba, waxaa isu-kay qaban la’ sida dawladaha qaarkood ugu degdegayaan faro-gelinta arrimaha gudahayaga ee aanu ku filannahay iyo sida ay uga warwareegayaan ama isu diidsiinayaan dhex-dhexaadinta is marin-waaga ka aloosan dalalka Somaliland iyo Somalia, taas  oo xal-u-heliddeedu muhiimad weyn u leedahay xaqa aayo ka-tashiga ummaddayada iyo guud ahaanba xasilloonida mandaqada Geeska Afrika.

 

Dalalka Deriska

 

Si ay mandaqadda Geeska Africa u noqoto mid xasilloon oo ay shucuubteedu nabad ku wada noolyihiin, waxa Xukuumadayda ka go’an in ay sii xoojiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Deriska.

 

Waxan ognahay in dhawaanahan la wado hindise ciidammo loogu dhisayo Somalia, kuwaasoo ay dalal ka mida Beesha Caalamku ku garab siinayaan. Madaxda Somalia ayaa iyaguna ku celceliya in ay ciidammadaas u abuurayaan soo celinta midnimadii Somalia ee burburtay 1991-kii. Haddaba, waxaanu uga digayna in ay tallaabadani hurin doonto colaado hor leh iyo xasillooni darro ku soo korodha mandaqadda Geeska Africa.

 

Sidaa darteed, waxaanu Bulshada Caalamka ugu baaqayna in ay si qoto-dheer uga fiirsadaan dhismaha ciidankaas iyo hubka lagu soo daldalayo dalka Somalia, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland aan illa hadda laga qaadin Xakamaynta hubka ee guud ahaan la saaray dalkii la isku odhan jiray Somali Republic.

 

Somaliland ha guuleysato In sha ALLAH,,, Waad Mahadsan tihiin,,,

 

Wassalaama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here