Hargaysa (Hargeisa Press)- Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa maalmahanaba lagu waddaa hawlo dib u habayn ah.
Dib u habayntaasi oo la xidhiidha qaybta rarista alaabooyinka waxaa wada haayadda maxakiga ah ee NASHA oo ka shaqaysa soo dejinta iyo saarista alaabooyinka ee madaaradda Somaliland.
Hawlahaasi shaqo ee garroonka waxaa maanta warbaahinta uga warbixiyay maareeyaha haayadda duulista iyo madaarrada Somaliland Cumar Sayid C/laahi Aadan.
Agaasimaha ayaana u mahad celiyay haayadda NASHA oo ah haayad waddani ah, hawlaha shaqo ee garroonka diyaaradaha Hargeysa ka waddo.