Nafaqaynta Garaadka Iyo Kobcinta Maskaxda Ubadkeena Qallinkii : Ahmedyasin Sh Omar Ahmed Fure

0
3029

HargeisaPress —Waqtigaa isgurayoo hal lagu daro mooyee hal laga gooyo maleh ana laba daran mid doonaa isku kay barbaryaal inaan hoos u guuxo iyo inaan gocoshadayda cod dheer ku sheego ,ku darsoo humaaga qalinkayguna wali waa gubaabiyo ididiilo nololeed.

 

Wacyigalinta bulshada iyo horumarinta hilinka halganka nolosha toosan waxay mudantahay in waqti iyo tamarba la galiyo si loo badbaadiyo dhamaan baahiyaha dadwaynaha iyo toosinta jihada wanaagsan ee umaddan gaadhsiin karta rayn rayn iyo barwaaqo in sidoo kale ubadkeena ogaano xili kasta qaabka ay u fikirayaan.

 

Marxaladaha bulshadeenu waqtigan ku sugan yihiin waa xaalado qiimahoodu hooseeyo yar iyo wayn waxay ka siman yihiin aaminsanaanta fikrado isku mida marka aad eegto baraha internet-ka ee dadku ku xidhiidhaan waxaad arkaysaa in ilmaha yare ee dhawr iyo toban jirka ah iyo qofka wayni ay u isticmaalayaan in soo bandhigeen si isku mid ah sawiro,erayo xanafleh,heeso,habayaraatee majiraan afkaar iyo mabaadii la falanqeeyo oo faaido leh mana jiraan kala duwanaanshiyo da’eed oo leh afkaar kala duwan taasoo ka dhigan in ilmahaa yar da’ ukorodha mooyee garaad u kordhayn hadii sidan lagu sii jiro , Abwaan gaariye alle ha unaxariistee wuxuu yiri

Hadaan gugii kuu kordhaa

Gabow mooyee kuu tarin

Garaad iyo waayo arag

Ileen wax ma dhaantid geed.

Aduunku wuxuu u qaybsamaa saddex qaybood

  • Qolo la yaaban waxa aduunka ka dhacaya
  • Qolo daawanaysa waxaa ka socda aduunka
  • Qolo iyagu ka danbaysa afkaarta aduunku ku shaqaynayo

Heerarkaas kala duwan ee fahankooduna waa kaaf iyo kala dheeri camalkooduna wuxuu suurtagaliyo sida wax u aaminsanyahay

Aasaaska dhismaha garaadkuu wuxuu salka ku hayaa deegaanka ku xeeran (Enviroment) kazoo bilaw ilmaha yari wuxuu garaadkiisu ku koraa hoyga uu ku dhashay iyo iskuulka wax ka barto .

Garaadka ama maskaxda biniaadanka fahankeeda ama maskaxda wanaagsani maaha mid loo dhasho oo kaliya balse waxaan si faahfaahsan u fasiri doonaa maxaa sababa maskaxda wanaagsan , maskaxda waa sida muruqa oo kale marka muruqa jidhku jimicsi helo wuu waynaadaa sidoo kale culumada saynisku waxay odhanayaan maskaxdu waxay ku kortaa marka aad waxgashato oo la micna ah inaad waxbarato,akhrido,qorto,baadho sidoo kale saynisyahannadu waxay tusaale fiican usoo qaataan maskaxda xayawaanka 2 laba ayy(dogs)ayaa waxaa midna ku xidheen makhsin cidlo ah kii kalena waxaa la dhexgeeyay dad iyo caruur,waxaana natiijadii heleen in kii dadka dhexjoogay ay maskaxdiisii kortay oo xiitaa ku dhawaaday inuu sida dadka ufikiro kii kalena maskaxdiisii halkii taagnaato.

 

Waxaa maskaxda  loo qaybiyaa  laba qaybood 1- Maskaxda taagan (fixed mind) 2- Maskaxda furan ama korta (growth mind )

  • Maskaxda taagan ( fixed mind) :- waa xaalad maskaxdu aaminsantahay in noloshu caqabadaha hortaagani adag yihiin in xal loo helana aanay dhici karin , astaamaha ay aaminsan yihiin dadka maskaxdoodu taagan tahay waa sidan:-
  • In noloshu nasiib iska tahay dhamaanteen si aanay iskugu hawlin
  • Cabirkooda fikir oo ah mid dhinaca khaladka wax ka fahanta
  • In nolosha caadaystaan khiyaamo sida waqtiga waxbarashada lagu jiro in aanay isku hawlin sidii wax u akhrisan lahaayeen uguna tallo galaan khiyaamo(Cheating)
  • Waxay kazoo horjeedaan kartida , dadaalka iyo halganka oo ay ka doorbidaan in ka hawlgabaan
  • Isdifaac aduunka waxwayn maaha sidoo kale daawadayaal ayay aduunka ka noqdaan
  • Eedayn cidkale oo sabab uga dhigaan dib u dhaca noloshooda

 

  • Maskaxda korta (Growth mind)

Aaminsanaanta waxkasta oo adag in lagaliyo dadaal lana koriyo maskaxda si waayo aragnimo iyo khibrad loo helo waxaanay dadka noocan ahi aaminsanyihiin sidan

  • In awood iyo caqliba galiyaan sidii loo helo lahaa xuluul lagaga gudbo xaaladaha adag
  • Waxay ka faaidaystaan khaladaadkii dhacay si marlabaad aanay ugu dhicin
  • Dhanka wanaagsan oo wax ka eegaan
  • In nolosha ay wajahaan caqabadaheega cabsida na meesha ka saaraan

kkghj

Hadaba labadan marxaladood aasaaskeeda wuxuu khuseeyaa deegaanka ku xeeran iyo waalidka hooyada iyo aabaha barbaarintooda waalidku waxay aasaas u yihiin ilmaha iyo horumarinta korinta maskaxda iyo dib u dhiciisaba , Waalidku waa hoyga barbaarinta ama (data) lagaga shubo ubadka maskaxdooda waxaanay caruurtu aduunka yimaadaan iyagoo caqliga iyo jidhkuba qaawan yihiin ilmuhuna halkaas loogu xidhaa hugii sidoo kale ilmuhu wuxuu wax ka bartaa waalidkiisa iyo inta ku xeeran intii uu ka arko ama ka maqlo

waxaa taariikhdu xustaa hooyooyin dhiiran oo soo saaray maskaxa aduunkan ugu saamaynta badnaa .

 

Imaamu shaafici

Waxa uu ahaa wiilyar oo sabool ah kuna dhashay magaalada Qaza oo ah meel ka fog deegaankiisa ama ehelkiisa aabihiina wuxuu dhintay isagoo caloosha hooyadii ku jira , wiilka yari wuxuu ku koray nolol faqiir ah balse hooyadii ayaa ahayd hooyo kalsooni badani ku jirto oo ilmaheeda ugu tallo gashay in uu aduunkan wax ka noqdo waxay dib ugu soo celisay magaaladii uu udhashay Maka almukarama halkaas oo ay ku dartay malcaamadii u horaysay macalinkaasina wuxuu ugu dhigi jiray bilaash maadaama uu sabool ahaa wuxuu quraanka ku xiftiyay isagoo 10jir

Waxaa la weydiiyay sideebaad ugu dadaashaa inaad waxbarato ?wuxuu yiri sida nin bakhayl ahi ugu dadaalo inuu xoolihiisa haysto ,

Waxaa kaloo la weydiiyay sideebaad uraadisaa inaad waxbarato?waxanu yidhi waxaan u raadiyaa sidii hooyo madi ahi ilmaheedii oo ka lumay u raadsan lahayd.

 

Isagoo 15sano jir ayaa imaamu muslim binu khaalid wuxuu ku yiri waxaad gaadhay xad muftinimo

Qisada labaad ee mawduucan la xidhiidhaa oo tusaale cad u ah in waalidku qayb wayn Ka qaataan dhismaha maskaxda wanaagsan ee ikhtiraaci karta afkaar tayo leh.

 

Tomas Edison wuxuu ahaa wiil faqiir ah oo waxbarashadu ku adagtahay wuxuu macalinkiisu ku horcaayi jiray ardayda horteeda ilaa maalintii danbe uu macalinkii utagay hooyadii dhashay adison waxaanu ku yidhi inankaagu waa saaqid caruurta ayanu iga saaqidinayaa mardanbe iskuulka yaanu iga imanin hooyadii way xanaaqday waxaanay ku adkaysatay wiilkaygu Maaha saaqid waxay goaan ku gaadhay inay guriga wax ku barto halkaas ayuu basekiisii waxbarasho ku qaatay wuxuu akhriyay buugaag saynis ah  gurigana dhexdiisa wuxuu ka samaystay Lab wax ku baadho sanad guuradiisii 10aad wuxuu aabihii ukeenay hadiyad Buug saynis ah wuxuuna buugaas ka helay macluumaad farabadan ugu danbayntii wuxuu noqdaa ninkii ugu ikhtiraaca badnaa aduunka 1093 fikradood oo cusub ayuu abuuray oo uu kamid yahay light-ku oo lacag ahaana udhiganta 75000 Kun milyan oo dollar xiligaas ah.

 

Gabagabadii dib udhiska dhalinyarteenu waxay ku xidhan inagga oo ujeexna wado wanaagsan

  • La socodka ubadka: waa in ilmaheena ogaanaa waxa uu ku sugan yahay lala sheekaystaa waqti siinaa
  • Waa in Cabsida laga saaraa ilmaha lana baraa dhiiranaanta kalsoonida sidoo kale waalidku unoqdaa ubadkiisa u noqdaa haldoor uu ku daydo
  • Waa in manhajka waxbarasho macalinka iyo iskuulkuba noqdaa meel mustaqbal wanaagsan uleh da,yarta

 

 

La soco

Qoraa: Ahmedyasin sh omar Ahmed fure

 ahyasen216@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here