Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Wariyayaal Reer Somaliland Ah Oo Dawlada Itoobiya Qafaalatay Iyo Fariin Ay U Direen Xukumadda Somaliland

0
964

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay kaga hadleen shan wariye oo ciidamada dawlad deegaanka somalida itoobiya ay ka qaafasheen degmada wajaale oo kamida Somaliland,iyaga oo afar kamida lasoo daayay balse ilaa hada la la yahay wariye Mukhtar Nuux Ibraahin oo ka hawl gala muuq baahiyaha HCTV xaruntiisa Gabiley.

 

Waxana masuuliyiinta SOLJA fariin u direen xukumadda Somaliland iyaga oo ku adkeeyey inay ka hawl gasho arinkaasi.

 

Waxaana warsaxaafadeedka ay soo saareen uu u dhignaa sida tan

Date: 20/06/2016

War-saxaafadeed:- wariyayaal Reer Somaliland ah oo lagu xidhay Kililka 5aad ee Itoobiya

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqayaa inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxyadiin Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

 

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay.

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here