“Nabadu waxay ku dhalanaysaa in caqligu taliyo oo waayeelku taliye”…

0
453

Yagoori (HP): Wasiirka wasaaradda arrmaha gudaha Somaliland ayaa tallooyin dhaxal gal iyo hogo tusaalayn waayeelnimo xanbaarsan u jeediyay beelaha lagu heshiisiinayo degmadda Oog ee gobolka Sool.
Maxamed Kaahin Axmed, oo hogaaminaya weftiga ergadda wasiirrada xukuumadda Somaliland ka socda eek a qayb gelaya shirka nabadaynta laba beelood oo shalay ka furmay degmadda Oog ee gobolka Sool, waxa uu sheegay nabadu ay ku dhalanayso in caqligu taliyo.
Waxaanu ugu baaqay waayeelka iyo waxgaradka labadda beelood ee la heshiisiinayo ee shaqaaqadu hore u dhex martay in ay ku dedaalaan sidii aanay mar danbe wax noocaas ahi uga dhex dhicin.
Wasiir Maxamed Kaahin, oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi nabadaynta labadda beelood ayaa u mahad celiyay waayeelka labadda beelood iyo dadka wax garadka ah ee mudadda u joogay Yagoori shirarkaasi dedaalka ay ku dedaaleen in aan wax danbe dhicin.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu u mahad celiyay beesha gogosha nabadeed dhigtay Yagoori, iyo sidoo kale isla beesha ay shaqaaqadu hore u dhex martay ee iyadna ka aqbashay gogoshaasi nabadeed.
Geesta kale wasiir Kaahin, waxa uu sheegay in degmadda Yagoori, ay ka mid tahay meelihi ugu horeeyay ee ay hawlihii nabadaynta dalku ka dhaceen muddo hadda laga joogo 31 sanadood, isla markaana rag iyo waayeel kale oo ay waagaas Yagoori wada joogeen ay shrkan maantana la joogaan.

DAAWO: Wasiir Maxamed Kaahin Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here