Nabigeenii Suubanaa , ayaa dalka Yamanta u diray Saxaabigii weynaa ee Mucaad Bin Jabal. Ka hor intii aanu amba-bexin, ayuu Nabigu u yeedhayaa Mucaad. Markaas ayuu shirabayaa Saxaabiga oo uu weydiinayaa su’aalahan culculus; “Maxaad yeeli doontaa haddii garsoor lagu weydiiyo?” Mucaad baa ku jawaabay; “Kitaabka Ilaahay baan ka eegi doonaa”. Rasuulkii baa ku celiyay oo ku yidhi ; “Haddaad ka weydo kitaabka Ilaahayna maxaad yeeli doontaa?” Mucaad baa yidh; “Sunaha nabiga ayaan ka baadhi”. Rasuulka ayaa , haddana ku celiyay oo yidhi; “Haddaad sunaha nabiga ka weydana?” Mucaad baa yidhi; “Waan dadaali doonaa oo waxba la hadhi maayo si aan xaqa u helo”. Deedna Rasuulka ayaa ka mabsuuday jawaabihiisii oo yidh: “Ilaaha ergayga rasuulka waafajiyay wuxuu rabay rasuulku … Ilaahaas ayay mahadi u sugnaatay”. Marka si fiican oo xeel dheer loo fahmo Qur’aanka dhammaantii iyo xadiiska Nabiga intiisa sugan, waxa af-yeelanaya fahamka dhabta ah ee diinta Islaamka. Gaar ahaana maxaa waajib ah, maxaa xaaraan ah, maxaa soo dhaweyn leh (مستحب) maxaa ka-didis leh(مكروه) , maxaa iska bannaan (مباح)? Jawaabahaas qof kastaa kama jawaabi karo, xataa hadduu dhigtay Tafsiirka ama loo macneeyay Axaadiista intooda sugan, kol haddaanu lahayn fahmo ballaadhan iyo daacadnimo. Ka sokow aqoonta ballaadhan ee loo yeesho Qur’aanka iyo Xadiiska, waxa kale oo loo baahan yahay, matalanba, in qofku yaqaano waxa dadka maslaxadi ugu jirto ama madaro, inuu yaqaano ujeedooyinka wacan ee diinta Islaamku higsanayso sida caddaaladda, runta, horumarinta nolosha iyo garashada aadmiga iwm, inuu yaqaano sida looga qiyaas qaato aayadaha qur’aanka iyo Axaadiista sugan ee dad badani ka soo weriyeen rasuulka , iyo inuu yaqaano masalooyinka lagu midaysan yahay ama muslinku u badan yahay.. Qofka noocaas ah waxa loo yaqaan Faqiih ama Mujtahid. Waa laba eray oo af-carabi ah oo aan ku macnayn karno Fahmo-Badne ama Dedaal-Badne. Waana sifada uu Mucaad Binu Jabal ugu ballan-qaaday Rasuulka .
Dambi iga raaci maayo haddaan idhaahdo, culumada Soomaaliyeed iska daa caamadeena oo ma hayno ilaa hadda qof aqoonta noocaas ah hantiyay. Turjumaan mooyee, ma hayno qof cilmi baadhis sameeyay oo ku soo ban-dhigay aqoontiisa kutub u gaara oo uu ka muuqdo Dadaalkiisu ama Fahmadiisa u gaarka ah ee ku saabsan arrimaha lagu muransan yahay. Arday cilmiga dhigata Somalidu wey leedahay, laakiin fahmo-Badane ma lihin.
Sheekh Maxamed Al-Qasaali oo ka mid ah Culumada As-har, ee cilmigiisa iyo kutubtiisa ay ka sharaabeen hormuudka aqoonyahanka diinta ee casrigani, sheekhaas ayaa curiyay kitaab magaciisu yahay; Sunaha nabiga sida ay u kala arkaan dadka bartay Axaadiista iyo kuwa ku sifoobay Fahmo-badnidu. Sheekhu kitaabkan waxa uu qoray 18 sano ka hor. Shantii bilood ee ugu horreeyay, sanadkii uu curtay, waxa lagu celceliyay daabacaaddiisii shan goor. Kitaabkan waxa sheekhu ku mutaystay abaal-marinta weyn ee ay bixiso sanad kasta Khayriyadda Boqor Faysal, Taas oo anna muddo labaatan sano ah aan ka xoogsan jiray Xarunteeda Cilmi Baadhista ee ku taalla magaalada Riyaad. Sidaas oo ay tahay, kitaabkan la yaabka leh, ka heli maysid xarumaha buugaagta ee Sucuudiga. Sidoo kale, ayaanad uga helayn xarumaha buugaagta ee Somaalida dhammaanteed. Haddaan dambiga iska ilaaliyo waa faro ku tiris culumada Somaaliyeed ee kitaabkaas akhriday. Sababtana in aad garateen baan filayaa! Kitaabkani waxaad mooddaa in uu hilfaha u qaadayo Mad-habka lacagtu riixayso ee la yidhaah Wahaabiyadda.
Waxa uu ka hadlayaa macquulka iyo marwiga (wixii rasuulka lagu xidhiidhiyay). Waxa uu ka hadlayaa marka Marwiga laftiisu iska hor-yimaaddo, ama ka hor-yimaaddo Qur’aanka. Ama macquulka iyo Marwigu is qaadan waayaan. Waxa uu qaadaa dhigayaa arrimaha dumarka iyo diinta, Xijaabka dumarka, markhaatiga haweenka. Waxa uu ifinayaa beenta la soo weriyay ee ah “Jin Baa Dadka Gala, Iyo Nabigaa La Sixray oo La Saameeyay”. Wuxuu kala saarayaa dhaqanka iyo diinta, ka hadlayaa qadarka iyo “Qofku inuu Qasban Yahay Iyo in Kale”. Waxa uu qaadaa dhigayaa Axaadiista Sukada ah iyo waxa laga yeelayo, iyo ugu dambayn arrinka aan u socono oo ah Muusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa Misa Waa Xalaal?
Sheekhu isaga oo u jawaabaya dadka qaba in heesaha iyo muusiggu xaaraan yihiin, waxa uu yidhi: “Bal kaalaya ila eega waxa uu arrinkaa ka yidhi sheekhii weynaa ee axaadiista shubay ee la odhan jiray Ibnu Xasam”.
(Faafaahinta Qoraaga: Waa Cali Ibnu Xasm Al-Andalusiyi. Waxuu noolaa qarnigii afraad ee Hijriga. Waxuu ka tirsan yahay raaca hore ee xagga hal-abuurka iyo kutub qoridda. Kutubiisa uu curiyay waxay kor u dhaaftay 400 oo kitaab. Waxa uu ka tirsan yahay, Af-hayeen iyo Mujadidna u noqday mad-habka la yidhaah ‘Daahiri’ ee u heelan cilmiga Axaadiista iyo ururintooda).
“Ibnu Xasam waxa uu yidhi: ‘Way banaan-tahay in la iibsado qalabka kala duwan ee muusigga. Ciddii qalabkaas jajabisaana, waa inay mag-dhawdaa. Sidoo kale ayay u bannaan tahay in la iibsado Jaariyadaha heesa (Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray). Arrimahaas aan sheegnay inay banaan-yihiin waxa, ugu horrayn, u daliil ah aayadaha Qur’aanka ah ee Al-Baqarah ee tirsigoodu yahay 29 & 275 ee midi leedahay : Waxaa laydiin abuuray inaad adeegsataan dhammaan waxa dhulka yaala. Ta kalena leedahay: Iibka Ilaahay baa baneeyay. Sidoo kale ayay aayadda Qur’aanka ah ee Al-Ancaam ee tirsigeedu yahay 119 inoo xusuusinaysaa in laynoo dhammeeyay waxa xaaraanta inaga ah: “Waxa Xaqiiqo ah in la idiin balballaadhiyay waxa xaaraanta idinka ah”. Taas oo macnaheedu yahay asalku wax walba waa Xalaal ee qofkii Xaaraan sheegayaa ha keeno daliilkiisa ku sugan Qur’aanka iyo weedhaha Rasuulka . Haddaba, sidaas Ayaanu u jirin Nas ama xog ku sugan Qur’aanka iyo weedhaha Rasuulka ee la ansixiyay, oo xaaraan ka dhigaysa heesaha iyo muusigga.
“Kuwa xaaraantooda ku doodayaa waxa ay miciinsadaan raadad aan ka sugnaan Nabigeenii suubanaa . Waxa ka mid ah Xadiiska la yidhi Caa’isha ayaa Nabiga ka sheegtay inuu yidhi: Ilaahay baa xaaraantimeeyay jaariyadaha heesa iyo iibsashadooda (kiraysigooda), taba-baristooda iyo dhegaysigooda.
“Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskaas (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxa ka mid ah ninka la yidhaahdo Lays oo aan lagu kalsoonaan Karin, iyo Siciid ibnu Abii Rasiin oo ah qof aan la garanayn (qof aan jirin), kaas oo isna ka soo wariyay walaalkii! Oo siciid oo la magac-dhabay baa la garan waayay, ee ma walaalkii oon la magac-dhabin baa la garanayaa ama jiroba!
Xadiiska labaad ee ay u cuskadaan inay heesaha iyo muusiguba xaaraan yihiini waa ka laga soo weriyay Cali Bin Abii Daalib inuu nabigu yidhi: Balaayo ayaa ku soo degi doonta umaddayda hadday samayso shan iyo toban arrimood. Shan iyo tobankaas waxaa ka mid ahaa; iyaga oo dhagaysta muusigga iyo heesaha. Marka ay taas falaan, ha fishaan dabayl cas, iyaga oo la dhalan-rogo, oo dhulka lala gooyo.
“Xadiiskaas Labaadna, Ibnu Xasam waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah Laaxiq Bin al-Xuseen iyo Diraar Bin Cali iyo Al-Ximsiyi oo dhammaantood ah lama-yaqaano (yacnii aan jirinba). Waxaa kale oo dadkaas ka mid ah Faraj ibnu Fadaalah oo isna ah nimaan la qaadan waxa uu soo weriyo.
“Xadiiska seddexaad ee … La soco Qaybta Labaad
Maxamed Cabdi Daauud
madaud@gmail.com
Hargeysa-Somaliland