Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa? – W/: Maxamed Cabdi Daa’uud (Q.2aad)

0
1751

Maxamed-Cabdi-daauudMaxamed Cabdi daa’uudSheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo u jawaabaya dadka qaba in heesaha iyo muusiggu xaaraan yihiin, waxa uu yidhi: “Bal kaalaya ila eega waxa uu arrinkaa ka yidhi sheekhii weynaa ee axaadiista shubay ee la odhan jiray Ibnu Xasam”.

(Faafaahinta Qoraaga: Waa Cali Ibnu Xasm Al-Andalusiyi. Waxuu noolaa qarnigii afraad ee Hijriga. Waxuu ka tirsan yahay raaca hore ee xagga hal-abuurka iyo kutub qoridda. Kutubiisa uu curiyay waxay kor u dhaaftay 400 oo kitaab. Waxa uu ka tirsan yahay, Af-hayeen iyo Mujadidna u noqday mad-habka la yidhaah ‘Daahiri’ ee u heelan cilmiga Axaadiista iyo ururintooda).

“Ibnu Xasam waxa uu yidhi: “Xadiiska seddexaad waxaa laga werinayaa Mucaawiye inuu yidhi; ‘Rasuulkaa dadka uga digay sagaal arrimood, anna immikaan idiinka digayaa kuwaas. Waxaanu Mucaawiye ku daray heesihii.
“Xadiiskaas seddexaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah Muxamed Bin Al-Muhaajir oo Daciif ah iyo Kiisaan oo lama yaqaan ah.

Xadiiska afraad, Ibnu Daauud ayaa sanadkiisa ku soo wariyay in nin Sheekh ahi ka soo weriyay ibnu Mascuud in uu maqlaayay Rasuulka oo leh; Heesuhu waxay qalbiga ku biqliyaan munaafaqnimo.
“Xadiiskaas afraadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah nin lagu sheegay ‘Nin Sheekh ah’! Waa wax lala yaabo in taxanaha Xadiiska uu ku jiro nin sheekh ah oo aan la garanayn cidda uu yahay. Haddii kale kuma ayuu ahaa ninkaas sheekha ahi?

“Xadiiska shanaad, waxaa laga soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi in uu Nabiga ka maqlay isaga oo leh: Qaar ka mid ah ummaddayda ayaa cabi doona khamriga, oo u bixin doona magac kale, oo iyaga ayaa lagu dul-tumi doona heeso iyo muusig, oo dhulka ayaa lala goyn doonaa.

“Xadiiskaas shanaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah ‘Mucaawiyah Bin Saalix oo Daciif ah. Ta kale, goodiga iyo digniinta hadalka ka muuqataana ma aha uun muusigga iyo heesaha kuwo ka dhalanaya, ee sida muuqata waa khamriga xaaraanta ah ee ay xalaashadeen ee ka mid ah dambiya waaweyn. Inta kale waa sifahooda oo la tilmaamayo. Sidaas in aanay ahayn, ee goodigu yahay heesaha iyo muusiga uun, taasi waa malamalayn. Diintana laguma qaato malamalayn.

“Xadiiska lixaad, waxa laga soo weriyay Anas Binu Maalik in Rasuulku yidhi: Qofka la fadhiista Jaariyad heesaysa (Faafaahin: Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray) ee ka dhegaystaa, Ilaahay baa naxaas kulul kaga shuba dhegaha qofkaas, maalinta qiyaamaha”.

“Xadiiskaas lixaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, kama sugna lamana hayo weligii in Xadiiskaas laga weriyay Anas Bin Maalik. Waa Xadiis la been-abuuray, oo fadheexad socota ah.

“Xadiiska todobaad, Makxuul ayaa Caa’isha ka weriyay in Nabigu yidhi: Qofka dhinta isaga oo leh Jaariyad heesta (Faafaahin; Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray), qofkaas ha ku tukanina Salaatul Jinaasaha.”

“Xadiiskaas todobaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, Ninka Makxuul la yidhaah ma soo gaadhin Caa’isha (Umal Mu’miniin), la mana kulmin. Haashim iyo ninka la yidhaah Cumar oo ka mid ah weriyayaasha Xadiiskuna waa lama-yaqaano.

Xadiiska sideedaad, waa mid aan waddaba loo hayn oo taxanihiisu (Sanadkiisu) aanu jirinba. Xadadiiskaas bilaa Sanadka ahi waxa uu leeyahay; Rasuulkaa inoo diiday laba dhawaaq oo la nacdalay; waana cododka ta heesta iyo ta baroorata”.

“Xadiiska sagaalaad, waxaa laga soo weriyay Abii Umaamah inuu maqlay Nabiga oo leh “Ma bannaana iibinta iyo iibsiga Jaariyadaha heesaa (Faafaahin:Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray), lacagtaasina waa xaaraan.” Taasina waxay ayidaysaa quraanka iyo qawlka Ilaahay ee Aayadda 6aad ee Suuratu Luqmaan ee odhanaysa: “Dadka waxaa ka mid ah qof soo iibsada hadalka kiisa ciyaarta ah, si isaga oo jaahil ah uu dadka uga lumiyo dariiqa Ilaahay, isagoo waliba ku dheeldheelaya.” Ilaaha ina leh, baan ku dhaartee, qofna kuma luuqeeyo hees ilaa ay raacaan laba shaydaan oo dhabarkiisa iyo laabta ka tuma ilaa inta uu ka aamusayo.

“Xadiiskaas sagaalaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, waxaa ku jira; Mid daciifa, iyo mid aan wax laga rumaysan iyo mid kale oo aan la aqoon.

“Heesaha iyo muusigga, xadiiska ugu muhiimsan ee soo hadal qaadayaa waa ka Bukhaari uu ka soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi inuu maqlay Rasuulka oo leh; Waxaa ka mid noqon doona ummaddayda qaar xalaashada xariirta, khamriga iyo muusiga. Xadiiskan uu soo weriyay Bukhaari waa mid Mucalaq ah.

(Faahaahinta Qoraaga: Xadiiska Mucalaqa ahi waa ka ay weriyayaashiisa xidhiidhsan ee midba ka kale ka soo qaaday, qaarkood werinta ka maqan yihiin, oo sidaas sanadkii Xadiisku ku xidhiidh go’ay. Sidaas ayuu Daciif ku yahay Xadiiska Mucalaqa ahi).

“In kasta oo la qaato Bukhaari kuwiisa Mucalaqa ah, haddana Ibnu Xasm waxa uu leeyahay waxaa kala xidhiidh furan Bukhaari iyo ninka uu ka soo weriyay oo ah Sadaqah Bin khaalid, oo aan is-arag. Waxaa laga yaabaa inuu Bukhaari ku qaatay Xadiiskan isaga oo eegaya qaybaha ay xafladdaasi ka kooban tahay oo isku dhafan, kuwaas oo ah khamri, heeso iyo fasahaad diineed. Xafladda Isku-Dhafkaas ahina dee waa xaaraan maqdac ah.

“Ibnu Xasm wuxuu leeyahay ma jiro wax sugan oo xaaraan ka dhigaya heesaha iyo muusigga. Haddii ay jiraan xogo ama xog keli ah oo taxanaha ka soo weriyay Rasuulku sugan yahay, waxaa Wallaahi ah in aanan ka maagnayn ku-camal- falkeeda.

“Ibnu Xasm waxa uu ku soo noqonayaa aayadda kor ku xusan ee odhanaysa; “Dadka waxaa ka mid ah qof soo iibsada hadalka kiisa ciyaarta ah, si isaga oo jaahil ah uu dadka uga lumiyo dariiqa Ilaahay, isagoo waliba ku dheeldheelaya”.

(Faahaahinta Qoraaga: Aayaddani waxa ay ku soo degtay nin la odhan jiray Nadar Bin Xaaris oo inta uu soo urursado sheekooyinka qubanaha ah ee ku xusan jacburkii Diimihii kitaabiga ahaa, kuwaas oo u dhigan si iska madadaalo ah oo aan xambaarsanayn mabaadiida iyo wanaagga ay ku hagayaan aayadaha quraanka ahi. Nadar Bin Xaaris intuu soo urursado sheekooyinkaas ayuu la fadhiisan jiray dariiqyada si uu dadka uga jeediyo hanuunka Ilaahay.)
“Ibnu Xasm waxa uu leeyahay; ‘Aayaddani kumay soo deign heesaha oo ay xarimayso. Aayaddu iyadaa is-fasiraysa. Qof kasta oo dadka ka duwo jidka Ilaahay, oo ku dheeldheela diinta Ilaahay, qofkaasi dee waa gaal, muranna kama taagna. Bal ka soo qaad, haddii uu qof soo iibsado Quraanka laftiisa, isaga oo doonaya inuu ku dheeldheelo, oo dadka ku lumiyo … Falkaasiba miyaanu keenayn xaaraan iyo gaalnimo? (Sidan oo kale waxaa ah tuu sameeyay Nadar Bin Xaaris)”

Sheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo halkaas ku dhaafay xigashadii uu ka soo qaatay Ibnu Xasm, waxa uu yidhi:…..

La Soco Qaybta Seddexaad
Maxamed Cabdi Daauud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here