Muwaadin Shirkadda Dahabshiil Ka Difaacay Eedo Been Ah Oo Loo Jeediyay

0
861

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Axmed Maxamed Cabdule (Axmed Six) oo ka mid ah waxgaradka reer Somaliland,ayaa Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya iyo guud ahaan madaxda dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku booriyay in aan loo kala sheekayn mulkiilaha Dahabshiil iyo Xukuumadda dawlad Deegaanka Itoobiya.

 

Waxaanu intaa ku daray in uu yahay Dahabshiil ganacsade ka madaxbannaan siyaasad oo caalamka oo dhan ka hawl galalagana aqoonsan yahay qoraal kooban oo uu soo saaray oo uu arrimahaa kaga hadlay ayaa u dhignaasidan.

 

β€œWaxaa soo baxayay warar lagu eedeeyay mulkiilaha shirkadda Caalamiga ah ee Dhahabshiil Group kuwaasoo Dahabshiil ku eedeeyay in uu lug ku lahaa shaqaaqadii ka dhacday deegaankaJaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida lagu baahiyay shabakadda wararka ee Cakaaranews, laakiin dadka warkaa qoray waa kuwo doonaya in ay kala fogeeyaan ama kala dilaan shirkadda Dahabshiil iyo madaxda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

Hadaba waxaan leeyahay Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo masuuliyiintiisa la shaqeeyaba waad ogtihiin cidni idiinka sheekayn mayso in mulkiilaha DahabshiilGroup in uu yahay ganacsade caalami ah oo aan siyaasad ku milmin isla markaana caalamka oo dhan ka hawl gala waana guddoomiyaha guud ee shirkadda Xaaladaha lacagaha ee kaliya ee Soomaali leeyahay ee caalamka oo dhan ruqsad ka haysata ee xataa kiisaskii xawaaladaha Soomaalida galaaftay lagu waayay.

 

Hadaba waxaan leeyahay madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Dahabshiil waa nn dadku u siman yahay oo aan qolo iyo gobolaysi midna ku shaqayn ee yaan la idiin kala sheekayn.

 

Arrinta ka dhacday Jaamac Dubad,na waa arrin u taalla dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dadkeeda waxaanan rejaynayaa inay sida ugu wanaagsan ugu soo dhamaato wanaag iyo nabad Dahabshiil,na shaqona kuma laha dhaqankiisana kuma jirto tallaabo kasta oo nabad gelyada caalamka lid ku ahi.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here